U bood dhigaalka

Soomaaliya Oo Ka Jawaabeysa Dacwada Badda, Wafdiga Oo Ku Sugan (ICJ)

Sheeko:Dalka

Maanta oo taariikhdu tahay 18ka Juun 2018, ayaa Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah u qabatay Soomaaliya in ay jawaabteeda ku aaddan dacwadii xadaynta badda ee Soomaaliya iyo Kenya.
Jawaabtii mala gudbiyey? Waa su’aal in badan oo Soomaali ah isweydiinayaan.

Safiirka Soomaaliya ee midowga Yurub Dr. Cali Said Faqi oo la hadlay Goobjoog News waxaa uu sheegay ” aniga ayaa galabta gudbiyay jawaabtii, waa la iiga qabtay” Qoraalka Jawaabta ah oo ay ka soo wada shaqeeyeen Lawyarada Matalaya Somalia. Lawyaradaas oo ah kuwi hore Somalia wakiilka u ahaa.

Safiirka waxaa uu intaasi ku daray in Kenya iyadana jawaabteeda la sugayo December 2018

Goobjoog News