Soomaaliya Oo Ka Jawaabtay Cadaadiska Kenya

Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay cadaadiska dalka Kenya ay saareen siyaasiyiinta Soomaaliyeed gaar ahaan dhanka safarka, wasiirro iyo xildhibaanno lagu xanninabay garoonka JK, baaritaannada lagu sameeyo Soomaalida safarka u aada Kenya iyo arrimo kale.

Dhinaca kale, dowladda Soomaaliya waxaa ay sheegtay iney soo dhoweyneyso muwaadiniinta iyo saraakiisha dowladda Kenya ee Soomaaliya imanaya.

Halkan Ka Akhriso, Qoraalka:

Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (“dowladda Soomaaliya”), iyada oo qaddarinaysa Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Kenya (“Dowladda Kenya”), waxay aad uga walaacsan tahay go’aankii ay dhowaan qaadatay Dowladda Kenya ee lagu xadaynayey Dalkugalka xubnaha xukuumadda iyo Baarlamaanka Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya waxay si gaar ah uga walaacsantahay in xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya oo dhowaan u safray magaalada Nairobi, kuwaas oo ay ku jireen wasiirro iyo xildhibaanno, ay xinnibaad ku sameeyeen saraakiil ka tirsan hay’adda socdaalka Kenya, Baasaboorradoodii laga qaaday, ka bacdina dib loogu soo celiyay Muqdisho.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya waxay muujinaysaa walaaca ay ka qabto in dib loo soo celiyay baaritaanka dheeriga ah ee lagu sameynayo Soomaalida safarka ku aadda Nairobi, iyada oo qasab looga dhigay inay magaalada Wajir ku hakadaan si baaritaan amni loogu sameeyo. Arrintani waa mid ka hor imanaysa heshiiskii ay labadeenna dowladood hore u galeen ee ku saabsanaa in dullimaadyada Muqdisho-Nairobi ahaadaan kuwo toos ah.

Tallaabooyinkaasi waxay carqalad ku yihiin xiriirka walaaltinimo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Sidaasdarteed, dowladda Soomaaliya waxay ugu baaqaysaa dowladda Kenya inay xeeriso carqaladaha ay keeni karaan tallaabooyinkaasi oo ay ilaaliso xiriirka soojireenka ah ee u dhexeeya labadeenna dal, isla-markaana tixgeliso dabciga dublamaasiyaddeed iyo ixtiraamka labada waddan kala mudan yihiin.

Dowladda Soomaaliya waxa dhankeeda ka go’an inay ilaaliso xiriirka saaxiibtinimo ee ay la leedahay dowladda Kenya, waxaynu sii wadi doontaa soo dhaweynta muwaadiniinta iyo saraakiisha dowladda Kenya ee Soomaaliya imanaya.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyada oo fursaddan ka faa’iideysanaysa waxay tixgelin iyo qaddarin aad u sarreysa u ballanqaadaysaa Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Kenya.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW