U bood dhigaalka

Soomaaliya oo ka qaybgashay shirka Baarlamaannada Adduunka

Sheeko:Amniga

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya,ayaa maanta ka qaybgalay shirka baarlamaannada adduunka.

Kulankan ayaa ah midkii 145-aad ee baarlammaannada adduunka, ayaa waxaa looga hadlaya arrimo ay kamid yihiin qayb galka siyaasadda ee Haweenka iyo sida guulo looga gaaray tobankii sano ee ugu dambeeyay.

Soomaaliya ayaa waxaa ku matalaya sanadkaan shan mudane oo ka socda golaha shacabka iyo aqalka sare ee baarlamaanka 11-aad.

1. Senator Samsam Daahir Maxamuud
2. Xildhibaan Saciid Maxamed Maxamuud (Xayd).
3. Xildhibaan Faarax Macalin Bishaar
4. Xildhibaan Ismaaciil Ciid Maxamed
5. Xildhibaan Nuradiin C/laahi Colujoog
Goobjoog News