U bood dhigaalka

Soomaaliya oo Ka Qeyb Galaysa Shirweynaha Hey’adda Caafimaadka Adduunka

Sheeko:Caafimaadka

Wasiirka wasaaradda caafimaadka xukuumadda fedralka Soomaaliya Fowziya Abuukar Nuur iyo  wafdi ay hoggaaminaysay waxaa ay gaareen magaalada Geneva ee dalka Switzerland, halkaa ay kaga qeyb galayso shirka sanadlaha ah ee hey’adda caafimaadka adduunka oo maanta halkaas ka furmaya.

Shirka oo sanadkan halku dhig looga dhigay “ Nabaddu waa Caafimaad, Caafimaadkuna waa Nabad” ayaa wuxuu muddo dhawr maalmood ah ka socon doonaa magalada Geneva, waxaana ka qeyb galaya wufuud kala duwan ka kala socday caalamka  oo gaaray halkaas  maalmihii lasoo dhaafay .

Wafdiga ay hogaaminayso wasiirka wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya ayaa waxay shirka kusoo bandhigi doonaan guulaha la taaban karo ee ay Wasaaraddu ka samaysay dhanka hormarinta iyo dib u dhiska nidaamka Caafimaadka Dalka, xilli Soomaaliya ay kamid tahay dowladaha uu ka dilaacay COVID-19.

Guulahan oo noqday kuwo tusaale looga dhigi karo wadamo baddan oo ku yaala dunida kuwa ku jira wadamada dhaqaalahoodu hooseeyo ayaa Soomaaliya ka dhigaya wadan sameeyay is bedallo la taaban karo ee dhanka Nidaamka Caafimaadka sanadihii ugu dambeeyay.

Goobjoog News