U bood dhigaalka

Soomaaliya oo ka qeyb gashay shirka wasiirada Jaamacada carabta

Sheeko:Dalka

Wasiirka  ku xigeenka  wasaaradda arimaha dibadda  xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahad Salaad oo saxaafada lahadlay ayaa sheegay in  shirka wasiirada Carabta looga hadlayay arimo ay ka mid yihiin dhibaatada  Soomaliya ka jirto iyo xarakada Al-shabab oo mucaarad ku ah dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shirka ayaa lagu muujiyay sida loogu baahan yahay in dowladaha Carabtu ay u midoobaan la dagaallanka kooxaha dagaallada ka wada qaar ka mid ah dalalka Carabta oo ay ku jiraan Ciraaq iyo Soomaaliya.

Wasiiir ku xigeenka ayaa sidoo  kale waxuu la kulmay qaar ka mid ah wasiirrada arimaha dibadda  dowladaha Carabta   ayagoo ka wada hadlay horumarinta xiriirka ka dhaxeeya iyo sidii ay u taageeri lahaayeen dowladda iyo dadka Soomaaliyeed.