U bood dhigaalka

Soomaaliya Oo Ka qeybgalaysa Tartanka Qaarada African Minifootball

Sheeko:Cayaaraha

Xiriirka Kubbad Cagyaraha Soomaliya ee Somali Minifootball Association wuxuu ka mid yahay xiriirada ku soo kordhay caalamka,waxaana Soomaaliya laga aas aasay sanadii 2015,iyadoo guddoomiyihii ugu horeeyay ee Somali Minifootball Association loo doortay Dr.Cabdiqaadir Cadaay,wuxuuna Guddoomiye Cadaay maamulkiisa uu shaqaynayay intii u dhaxaysay 2015 ilaa 2020.

Daawo Warbixin soo koobaysa Waxqabadka SOMFA

 

September 2020 Muqdisho waxaa ku dhacday doorashadii labaad ee xiriirka kubadda cagyaraha Soomaaliya ee Somali Minifootbaal Assosation,waxaan guddoomiye loo doortay Xaaji Aadan Cabdulle,halka guddoomiye ku xigeenka 1-aad isna loo doortay mudane Xasan Cabdi Goodax,hadaba sanad ka dib maxaa u qabsoomay madaxda xiriirka kubadda cagyaraha Soomaaliya ee Somali Minifootbaal Assosation,waxaa ka jawaabaya guddoomiyaha kubadda cagyaraha Soomaaliya mudane Xaaji Aaadan Cabdulle.

“Doorashadii labaad ee SOMFA, waxa ay aheyd mid aad u wanaagsan oo aad u soo jiitay bahda isboortiga,guul iyo horomar ayaa u rajaynaynaa madaxda Xiriirka kubad cagyaraha Soomaaliya” ayuu Goobjoog Sports ugu waramaya Falanqeeye Cabdullahi Faarax Daguur oo ka mid ah gorfeeyaasha ciyaaraha dalka.

Daawo sanad ka dib wixii u qabsoomay Madaxda SOMFA

“Doorashadeena ka dib,madaxda Xiriirka kubad cagyaraha Soomaaliya waxay gaareyn guul waaweyn” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Guddoomiyaha Xiriirka kubad cagyaraha Soomaaliya mudane Xaaji Aadan Cabdulle.

 

Wafdiga ka socday Sooamaliya ayaa dalka Nigeriga ugu qeyb galay sameynta isku aadka tartanka xulalka kubad cagyraha qaarada Afrika,waxaana Madaxda Xirriirka kubad cagyaraha Soomaaliya ayaa sheegeen in ay guul iyo horomar u rajayanayaan macallimiinta iyo xidigaha matalaya Soomaaliya.

 

Isku aadka tartanka kubad cagyraha qaarada Africa ee African Minifootball Nations, ayaa la soo saaray, waxaana Soomaaliya ay gashay Group C waxaana ku wehliya Masar, Ghana iyo IVORY COST,Falanqeeyaasha ciyaaraha ayaa sheegaya in ay guul gaari karaan xidigaha xulka kubad cagyraha Soomaaliya matalaya.

Daawo warbixin ka hadlaysa isku aadka tartanka Xulalka Qaarada AFrica.

Si kastaba Tan iyo September 2020 madaxda SOMFA waxay wadeen da’daalo badan,iyagoo safaro kala duwan ku kala tagay dhamaan gobolada dalka iyo dalka dibadiisa,waxayna arinta qeyb ka tahay qorashayaasha iyo shaqooyinka culus ee horyaala madaxa Xiriirka kubad cagyaraha Soomaaliya ee la doortay bishii September sanadkii la soo dhaafay.

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle