U bood dhigaalka

Soomaaliya oo Kenya Ashtakootay, IGAD oo Ka Fariisan Doonta

Sheeko:Amniga

Cakirnaanta xaaladda diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa cirka isku shareertay kadib markii Muqdisho ay si rasmi ah u dacweysay Nairobi.

Sida lagu qoray bogga wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, dowladda Soomaaliya waxaa ay warqad u dirtay Cabdalla Xamaduu oo hadda ah Shir-guddoonka Madaxda IGAD.

Qoraalka wasaaradda ayaa u qornaa sidan: Iyadoo laga jawaabayo dhambaalka ka dhanka #Kenya ee ay Dowladda Federaalka #Soomaaliya u gudbisay Mudane Cabdalla Xamduu, Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda #Sudan ahna Shir-guddoonka Madaxda IGAD, ayaa Urur goboleedka IGAD waxa uu shir madaxeed ku qabanayaa #Jabuuti 20 December.

Lama oga waxa ay Soomaaliya ku sheegtay warqadda laakin waxa ay horay ugu yeertay safiirkeeda, kadib markii ay Kenya ku eedeysay faragelinta arrinta Jubbaland.

Goobjoog News