U bood dhigaalka

Soomaaliya Oo Ku Guuldareysatay Maanta In Ay Yeelato Madaxweyne

Sheeko:Amniga

Waxaa maanta ay ku beegan tahay 10 bisha October oo ah maalinta loo asteyay in ay dhacdo doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, sida ku cad heshiiskii 29 june muqdisho ay ku kala saxiixdeen madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad gobaleedyada dalka.

Jadwalkan oo ay soo saareen madaxda labada dhinac dhamaadkii bishii lixaad ayaa lagu shaaciyay in 10 October la doorto madaxweynaha 10 ee Soomaaliya.

Ill iyo hadda ma jirto wax saasaan doorasho ah oo ku aaddan doorashada madaxweynanimada Soomaaliya, mana cadda kadib fashilka ku yimid heshiiska xilliga la dooranayo madaxweyna badalaya madaxweynihii sagaalad ee dalka.

Maamulada dalka iyo dowladda Federaalka ayaa labaduba aynan weli ka soo dhamaan doorashada Aqalka sare ee dalka.

Waxaa weli dhiman kuraas ka tirsan kuraasta Aqalka sare ee 54 ah, kuwaas oo laba kamid ah maamul gobaleedyada ay ku harsan tahay.

Dhanka kale ma cadda goorta ay sida rasmiga u bilaabmeyso doorashada golaha Shacabka oo uu horay u fashilmay jadwalkeedi lagu heshiiyay.

10-ka bishii sideeda illa iyo 10-ka bishii sagaalad ee sanadkaan ayaa horay loogu qorsheyay in ay dhacdo doorahada Golaha shacabka.

Deeganada qaar ee dalka ayaa weli waxaa ka taagan dagaallo siyaasadeed oo u dhaxeeyay awoodaha deeganada isku haysto.

Waxaa durba soo baxaya shaki iyo madmadw badan oo ku aaddan xilliga ay doorashooyinka qabsoomayaan, guddiga doorashooyinka ayaana dhankooda weli soo saaren jadwalkii lagu badali lahaa kan fashilmay.

Waxaa muuqato guuldarro kale oo ku imaaneysa doorashooyinkan, iyadoo horay ay u soo baaqden dhowr jadwal oo doorasho lagu qabanayo balse aanan midna ka suura galin.

Xasuusin: Akhriso: Shirka Afisyooni Oo Soo Dhamaaday, Jadwalka Doorashada oo La Shaaciyay

Goobjoog News