U bood dhigaalka

Soomaaliya oo lagu abaal mariyay hergelinta xaruma caafimaad oo ku shaqeeya tamarta cadceedda

Sheeko:Caafimaadka

Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshada dowladda Soomaaliya Dr. Ali Haji Adam iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan magaalada Geneva ayaa bilad sharaf ka guddoomay madaxa hay’adda caafimaadka adduunka WHO.

Biladda ayuu wasiirka ku muteystay hirgelinta xaruma caafimaad oo ku shaqeeya tamarta cadceedda taas oo bixineysa adeegayda caafimaadka.

Wasaaradda ayaa sidoo kale lagu ammaanay xillii uu socday caabuqa Corona in ay dalka ka hirgelisay xaruma soo saaray Oxygen ka kuwaas oo iyagana ku shaqeeya tamarta cadceedda.

Xarumaha caafimaadka ee ku shaqeynaya tamarta qoraxda ayaa ah kuwa ay dowladda Soomaaliya qorsheyneyso in ay ku fidiso guud ahaan dalka.

Goobjoog News