U bood dhigaalka

Soomaaliya oo ololaha ku biirista EAC ka Dhex wada Shirka Midowga Africa.

Sheeko:Caalamka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo gooni gooni ah la leh qaar ka mid ah madax dowladaha Afrika oo kulansan shir madaxeedka 36-aad ee Midowga Afrika ee ka socda magaalada Addis-ababa, madaxweynaha ayaa kulamo la qaatay Madaxweyneyaasha Burundi Mudane Évariste Ndayishimiye iyo Tanzania Marwo Samia Suluhu Hassan iyo madaxweynaha Rwanda, Paul Kagame.

Kulamada ayay dowladda Soomaaliya waxay ku dooneysay in codka taageerada ku biirista urur goboleedka geeska Africa ka hesho madaxda dowladahaan. Dhan kale madax ayaa ka dooday dhibaatada argagixisadu ku hayso horumarka iyo xasilloonida Qaaradda, iyadoo la isla meel dhigayo sidii loo heli lahaa qaarada oo ka caagan kooxa argagixisada.

Dowladda Soomaaliya ayaa shirweynaha midowga Africa waxay la tagtay qodobo ay ka mid yihiin taageero u helida in ay ka mid noqoto xubnaha joogtada ah ee golaha amaanka, iyo in xubnaha golaha ay kala shaqeeyaan sidii ay ugu biiri la heyd suuqa bulshada geeska Africa sida lagu sheegay war saxafadeed ay daabacday warbaahinta qaranka.

Madaxdweynaha ayaa intii uu joogay AdisAbaba waxa uu kulan doceed la qaatay ra’iisul wasaaraha Ethiopia abay Ahmed oo ay ka wadahadleen xooginta xiriirka labada dal iyo iska gacansiinta la dagaalanka kooxda argaxisada Al-shabab oo dhib amni ku heysa labada dal.
Si la mid ah wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Abshir Haruuse ayaa la kumay qaar ka mid ah wasiiradda arrimaha dibadda dowladdaha Africa si ay Soomaaliya taageero ugu hesho ku biiristeeda iskutaga bulshada geeska Africa.
Soomaaliya waxay dadaal xoogan ugu jirtaa sidii ay ugu biiri la heyd urur goboleedka geeska Africa, dhawaan waxaa dalka yimid kooxda xaqiijinta oo ka socday bulshada geeska si ay u hubiyaan in ay soomaaliya diyaar u tahay ku biirista suuqa ganacsiga geeska afrika.
Madaxweynaha ayaa ergay gaar ah u magacaabay ka shaqeynta ku biirista geeska Africa.

Dhanka kale dowladda Soomaaliyaa awoodeeda iskugu geyneysa sidii ay dalka ugu cirib tiri laheyd kooxda Al-shabaab oo Qatar ku ah amniga iyo horumarka ganacsiga, kuwaa caasimada ka geysta qaraxyo iyo dilal joogta ah. Waxayna lacago baad ah ku soo rogaan ganacsatada.

Baarlamaanka Soomaaliya waxaa horyaal dhawr sharci oo ay soo Soomaaliya aaminantahay in ay u hiilinyaan ku biiristeeda geeska Africa. Waxay dadaal ku bixineysaa sidii ay maalgashadayaasha caalamka ugu dhiiran lahaayeen maalgashiga Dalka.
Uruka iskaashiga geeska Africa waxaa horay ugu jiray wadamada Burundi, Kenya, Tanzania, Uganda, south Sudan, Rwanda iyo Congo.