U bood dhigaalka

Soomaaliya Oo Maanta Ka Hor Hadli Doonta Maxkamadda ICJ

Sheeko:Dalka

Maanta oo Talaado ayaa lagu wadaa in qareennada u doodaya Soomaaliya ay ka hor hadlaan maxkamadda ICJ oo shalay ka bilaabatey dhageysiga dacwadda ku aadan muran badeedka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Qareenada ayaa ku doodi doona in dacwada murankaa Badda ee Soomaaliya iyo Kenya go’aan looga gaaro maxkamadda ICJ.

Waxay soo bandhigi doonaan caddeymo buuxa oo ku aadan in badda hadda lagu murmayo ay leedahay Soomaaliya.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa rajo aad u wanaagsan ku muujiyey in Soomaaliya ay guul ka gaari doonto dacwaddan, maadaama lahayo caddeymo badan, shakina aanu ku jirin in Soomaaliya leedahay baddaasi.

Qareenada Kenya ee shalay tagey maxkamadda ICJ waxay ku doodeen in dacwaddan aaney qaadin ICJ, islamarkaana si hoose ugala hadlaan Soomaaliya.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News