U bood dhigaalka

Soomaaliya Oo Martigelin Doonta Shir Madaxeedka Sanadlaha Ah Ee Wadamada IGAD

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho kadib markii uu magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia kaga soo qeybgaley shir madaxeedkii 2-aad ee waddamada xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD, iyo dalalka kale ee Afrika iyo beesha caalamka ay uga arrinsanayeen xasaradda ka aloosan Jamhuuriyadda Koonfuurta Suudaan.

Go’aamada ka soo baxay shir madaxeedkan ayaa waxaa ka mid ah in ciidan badbaadiya shacabka la geeyo Koonfuurta Suudaan, in nabadda la dhiirigeliyo, lana xushmeeyo heshiisyada siyaasadeed ee ay gaareen dhinacyada isku haya siyaasadda dalkaasi.

Waxaa sidoo kale madaxda IGAD ay go’aamiyeen in shir madaxeedkooda caadiga ah ee sannadlaha ah bisha soo socota ee September horaanteeda lagu qabto magaalada Muqdisho.

——————DHAMMAAD——————-

Da’ud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya