Soomaaliya Oo Noqotay Dalka 7aad Ee Ugu Barakacayaasha Badan Dunida

Soomaaliya waa dalka 7aad ee ugu barakacayaasha badan dunida, waxaana la sheegayaa inay gudaha dalka ku barakaceen dad lagu qiyaasay 1.1 million.

Si dadkaas baahidooda loo daboolo, waxaa ay wararka sheegayaan in hey’adaha gargaarka ay heleen 65% lacagtii ay rabeen in arrimahaas wax looga qabto.

Waxaa laga codsaday hey’adaha caalamiga iyo NGO-ska inay ka shaqeeyaan hagaajinta nolosha dadkaas iyo inay ka hortagaan inay qasab looga raro goobaha ay deggan yihiin.

Arrimaha Banii’aadnimada waa meelaha ay ugu nugushahay Soomaaliya, waxaana socdo barakac joogta ah, oo u badan dadka ku nool bartamaha iyo koonfurta dalka.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW