U bood dhigaalka

Soomaaliya oo Qeyb ka ah Isbaheysiga La Dagaalanka Daacish

Sheeko:Dalka

Dowladda Sacuudiga ayaa soo bandhigtay isbaheysi ay sheegtay in ay kula jiraa la dagaalkan Daacish, Liiskan oo ka kooban ilaa 34 dal, waxaa ku jira Soomaaliya.

Isbaheysiga dalalka ku jira waa: Saudi Arabia, Jordan, the UAE, Pakistan, Bahrain, Bangladesh, Benin, Turkey, Chad, Togo, Tunisia, Djibouti, Senegal, Sudan, Sierra Leone, Somalia, Gabon, Guinea, the partially-recognized state of Palestine, the Islamic Federal Republic of the Comoros, Qatar, Cote d’Ivoire, Kuwait, Lebanon, Libya, Maldives, Mali, Malaysia, Egypt, Morocco, Mauritania, Niger, Nigeria, Yemen.

“ Wadamadan waxay go’aansadeen in ay sameeyaan isbaheysi uu horkacayo Sacuudiga, saldhigna ka dhiganaya Raiyadh” sidaa waxaa sheegtay Wakaaladda wararka SPA.

Wakaaladda wararka dowladda Sacuudiga ee SPA ayaa daabacday bayaan lagu sheegay in hindisahan uu ku jiri doono sameynta xarun isku xirta howlgallada milatari ee isbaheysigan oo laga sameynayo magaalada Riyad

Dowladda Soomaaliya weli kama soo bixin wararkan ka soo baxay Sacuudiga iyo in ay ku jiraan isbaheysiga iyo in kale.