U bood dhigaalka

Soomaaliya oo Rajo Ka Muujisay in Laga Qaado Cunaqabateynta Hubka

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomalaiya Dr. Xasan Shiikh Maxamuud oo siwadajir ah Shir jaraa’id la qabtay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Manuel de Oliveira Guterres ayaa ka hadlay arrimo ku aadan cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya guulaha laga gaaray dagaalka lagula jiro kooxda Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa sheegay in hadda uu socdo qorshaha xasilinta amniga deegaannaddii iyo degmooyinkii soo galay gacanta dowladda, kuwaas oo bulshada ku dhaqan ay u baahan yihiin in ay helaan nolosha aasaasiga ah oo amniga uu ugu horeeyo caafimaadka iyo sidoo kale waxbarashada oo jiil badan ay dib uga dhaceen sida uu xusay.

“Hadda waxaa la shaqeynaa qeybaha kale ee beesha caalamka barnaamijka xasilinta goobaha laga xoreeyay Al-shabaab, waxaan rajeyneynaa in qaraxamada midoobay ay gacan kageysato maalgelinta arrintaan, meelahaas dadka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanadaan waxaa muddo loo diiday in ay helaan adeegyada aasaasiga ah ee nolosha” ayuu yiri madaxweynaha Jamhuuriyadda xilli uu ka hadlaayay qorshaha dowladda ee deegaannadaasi.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale shirkiisa jaraa’id ku dul istaagay sida ay kaga go’an tahay Soomaaliya gaaritaanka yoolka ugu dambeeyo ee looga qaadayo cunaqabateynta hubka, taas oo Soomaaliya saaran wax ka badan 32 sano, waxaana uu sheegay golaha ammaanka ay la dhacsan yihiin sida ay wax u wadaan isaga oo mar kale dalab diray.

” Arrinta kalee muhiim ka ah ee aan ologa kala nahay Qaramada midoobay waa cunaqabateynta hubka, Waan ku farasaxnahay xiriirkeena UN-ka, iyo saraakiisha UN-ka ah ee taageeray arrintaan, iyo xubnaha kale ee golaha amaanka ee taageeray in Soomaaliya laga qafiifiyo cunqabatay hubka, taas oo wax weyn u tartay Soomaaliya. Waxaana rajeyneyaa in mustaqbalka dhaw nala ka qaado dhammaan cunaqabateynta hubka” ayuu yiri Markale.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António ayaa waxaa lagu wadaa inuu maanta soo gabagaboobo safarka uu ku joogo Soomaaliya, iyadoo habeennimadii xalay madaxtooyada qaranka afur wadareen loogu sameeyay xilli ay wehlinayeen danjiyaasha caalamka u fadhiya Soomaaliya, halkaas oo lagu maamuusay Xoghaya guud ee QM.

Goobjoog News