U bood dhigaalka

Soomaaliya Oo Taageertay Boqor Xukun Maroorsi Doonaya

Sheeko:Amniga

Warka soo baaxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu taageray xarriga uu Boqorka Urdun u geeystay dhaxal sugihii Boqortooyada .

Wasaaradda ayaa sheegtay in ayada oo ka duuleysa xiriirka qotoda dheer ee u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Urdun ay garab istaageyso Talaabooyinka uu qaaday Boqor Cabdalla bin Al Hussein .
“Iyadoo lagu saleynayo xirirka qotada dheer, cilaaqadkeena kalsoonida leh iyo danaha guud ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo boqortooyada an walaaha nahay ee Boqortooyada Hashemiydda ee Urdun, Soomaaliya waxay cadeyneysaa inay si weyn u taageersantahay isla markaana ay si adag isubarbar taagayso dhammaan tallaabooyinka iyo go’aamada uu qaatey Boqorka Cabdalla bin Al Hussein, si loo ilaaliyo amniga iyo xasiloonida Boqortooyada.”
Dhaxal suge Amiir Xamza bin Xuseen ayaa la xiray kadib markii uu amray boqorka dalka Urdun Boqor Cabdalla Bin Al hussein.
Muuqaalkan uu soo duubay Sabtidii ayuu ku yidhi “waxaa booqasho iigu yimid taliyaha ciidanka Urdun saaka oo ii sheegay in aan la ii ogolayn in aan guriga ka baxo oo aan dadka la xidhiidho ama aan la kulmo sababta oo ah kulamo aan fadhiyey ayaa lagu dhaliilay boqorka”.
Wuxuu sheegay in aan isaga qof ahaan loogu eedayn dhaleecaynta. Hase yeeshee isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi “anigu ma ihi qofka ka masuulka ah maamulka dumay, musuqa iyo karti darrada ka jirtay maamulka dalkeena 15 ilaa 20 sano ee u dambeeyey ee hadana ka sii daraya. Anigu kama mausul ihi in shacabku kalsooni ku qabi waayaan hay’adahooda dawladda”.
“Waxay arintu gaadhay meel aan qofna awoodin inuu hadlo ama uu aragtidiisa cabiro isaga oo aan ka baqayn in la handado, la xidho ama loo hanjabo” Xadhigga siyaasiyiinta sarsare waa ku dhif Urdun oo ah dal ay xulufo yihiin Maraykanka oo Bariga Dhexe ku yaal.