U bood dhigaalka

Soomaaliya Oo War Ka Soo Saartay Dhalinyaro Lagu Dilay Koonfur Afrika

Sheeko:Amniga

Dowladda Soomaaliya ayaa dhigeeda koonfur afrika u fariin ay ugu baaqeyso in la ilaaliyo bad qabka muwaadiniinta soomaaliyeed ee dalkaas ku sugan.

Qoraalka ayaa ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda soomaaliya ayaa ugu horeyn lagu sheegay sida ay soomaaliya uga walaacsan tahay rabshadaha ka socda dalka koonfur afrika.

“Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya waxay muujineysaa sida ay uga walaacsan tahay rabshadihii iyo bililiqadii lagu dilay afar qof oo Soomaali ah kuwa kalena lagu dhaawacay isla markaana dukaammadoodii ay bililiqeysteen kooxo burcad ah oo ku sugnaa meelo kala duwan oo ka tirsan gobolka KwaZulu-Natal ee Koonfur Afrika 72-kii saac ee la soo dhaafay” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay dowladda soomaaliya.

Dowladda soomaaliya ayaa sidoo kale dhiggeeda koonfur afrika ugu baaqday in ay ilaaliso hantida iyo nafsadda muwaadiniinta soomaaliyeed ee dalkaas ka ganacsata.

“Soomaaliya waxay ugu baaqeysaa dowladda Koonfur Afrika inay ku dadaaleyso dadaalkeeda oo dhan si looga ilaaliyo muwaadiniinta Soomaaliyeed falalka arxan darrada ah, si loo hubiyo badbaadada noloshooda, dukaamadooda iyo ilaalinta xuquuqdooda.” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda soomaaliya.

Sikastaba saacadihi la soo dhaafay ayaa dalka koonfur afrika waxaa dilal loogu geystay dhalinyaro soomaaliyeed, halka kuwa kalana hantidoodii lagu dhacay.

Rabshahada sii xoogeysanaya ee ka taagan dalka koonfur afrika ayaa ka dhashay kadib markii la xiray madaxweynihii hore ee dalkaas Jacod Zuma.

Goobjoog News