SOOMAALIYA UMA BAAHNA ‘SIYAASADDA WAAWEYNKA’

Laba maalin ka dib doorashadii madaxweyne Farmaajo waxaan qoray maqaal dheer  oo aan ku lafoguraayey khudbaddiisii doorashada, waxa looga fadhiyo, qorshahiisii Nabad iyo Nolol.

Marka laga soo tego wixii aan ku qoray maqaalkaas, waxaan ka mid ahaa dadkii rejada wanaagsan ka qabay in dalka uu gaarsiin doono doorasho qof iyo cod, taas oo xor ka ah farogelin nooc kasta.

Sanad ka dib doorashadiisa, waxaan ka niyadjabay sida ay wax ku socdaan. Waxaa u sabab ahaa labadan arrimood. Midda koowaad, wixii ka dambeeyey shirkii Baydhabo ee qabsoomay sanadkii 2018, madaxweyne Farmaajo wuxuu la yimid siyaasad waaweynka ah oo aan u fahmay in nuxurkeedu uu ahaa cid aan aniga ahayn wax kama goyn karto siyaasadda dalka. Midda labaad, waa markii hay’adda fullinta ay gacanta ku dhigtay awooddii dalka oo dhan iyada oo si dadban u yeelatay ciddii la xisaabtami laheyd oo ay ugu horreyso Golaha Shacabka (Hay’adda Sharci-dejinta) iyo Laanta Garsoorka. Si kale u dhig, waa markii awoodda siyaasadda ay ku soo uruurtay xafiiska madaxweynaha iyo tan ra’iisulwasaarihiisa; siyaasaddii qarankana ay iska noqotay mid ka bilaabanaysa kuna dhammaanaysa xafiiskooda.

Tani waxaa ka dhashay in dib la isku weyddiiyo su’aal waqti dheer soo taagneed, taas oo ku saabsan sababta keentay in madax badan oo Afrikaan ah aysan wax xurmad ah u heyn sarreynta sharciga, dastuurka, garsoor madaxbannaaan, siyaasadda mucaaradaysan, xisbiyada siyaasadeed, saxaafad xor ah iyo doorasho waqtigeeda ku dhacda.

Jawaabta waxaa laga dhex heli karaa ‘siyaasadda waaweynka (big man politics),’ oo ah siyaasad marka ugu dambeysa abuuraysa deegaan siyaasadeed leh saddexdan astaamood:

  1. In lagu kala baxo awood iyo wax maquunin. Si kale u dhig, in cagta la mariyo cid kasta oo lagu arko siyaasad mucaaradaysan.
  2. Dastuur iska qoran balse aan lagu dhaqmeen iyo hay’adda sharci-dejinta iyo garsoorka dalka oo si dadban gacanta loogu dhigo.
  3. In Madaxweynaha la weyneeyo ilaa sawiradiisa lagu dhejiyo xafiis kasta iyo waddooyinka waaweyn si qofna uusan shaki uga gelin cidda madaxda ka ah dalka.

Dadkii ku dhaqmay siyaasaddaas waaweynka ee taariikhda ku qoran waxaa ka mid ah Siyaad Barre, Mobutu Sese Seko, Sadam Hussein, Meles Zenawi iwm.

SIYAAD BARRE IYO SIYAASADDIISII ‘WAAWEYNKA’

Dowladdii Kacaanka waxay shacabka Soomaaliyeed u isticmaashay farsamooyin ay maskaxda kaga qabsanaysay, iyada oo ay doonaysay in ay ku gaarto laba ujeedo: In Siyaad Barre uu weligiis ku sii fadhiyo kursiga Villa Somalia iyo in shacabka lagu qanciyo in xukunkiisu uu sharci yahay. Farsamooyinkaas waxaa ka mid ahaa dhiriggelinta siyaasadda nacamleynta ama guulwadeynta (patronage politics) iyo dimuqoraaddiyad ii dheh ah oo bacqafiif ku jirta. Waayo nidaamka dimuqoraaddiga ah wuxuu u baahan yahay hay’ado xooggan oo ka madaxbannaan qofka la doortay, kuwaas oo ay gadaal ka fadhiyaan muwaaddinniin ku hubeysan dal jaceyl, hayb qarannimo iyo hab maamuus dowladnimo oo aqooneysan.

Farsamadii ugu weyneed ee uu Kacaanku adeegsaday waxaan ku tilmaami lahaa siyaasaddiisii waaweynka aheyd (the politics of the belly or patron-client relations), taas oo Siyaad Barre ka dhigtay keligiitaliye ku dhiiraday in uu masraxa siyaasadda ka saaro dastuurkii qaranka, golaha shacabka, xisbiyada muxaaradka, warbaahin xor ah, ilaa markii dambe uu gaaray heer uu isagu gacantiisa ku sameysto sharci, dalkiina uu ka dhigtay sida qayb ka mid ah hantiisa gaarka. Doorasho qof iyo cod ah warkeeda daa!

Shacabka Soomaaliyeed waxaa soo maray xukunkaas militari, oo si arxandarro ah ula dhaqmay, kana reebay dalalkii la midka ahaa. Dalalkaas oo wixii ka dambeeyey 1990 kii u wareegay nidaam doorasho oo dimuqoraaddi ah, kaas oo ku saleysan siyaasadda xisbiyada badan. Waxaa ka mid ah Kenya, Nigeria, Ghana, South Africa iwm.

FARMAAJO IYO SIYAASADDIISA ‘WAAWEYNKA’

Waxaa jirta laba sababood oo keenaysa in Siyaad Barre laga fisho in uu la yimaado siyaasad waaweynka ah. Midda koowaad, dabeecad ahaan wuxuu ahaa qof askari ah, oo markiisii hore siyaasadda ka soo galay dhanka ciidanka. Tan labaad, wuxuu dalka ku qabsaday afgambi militari. Si kale u dhig, wuxuu ku qabsaday qori caaraddiisa oo aan dhiig badan ku daadan.

Marka laga soo tego Siyaad Barre iyo xilligiisii, waxaa wax laga naxo ah in saddexdii sano ee la soo dhaafay ilaa iyo xilligan siyaasadda Soomaaliya lagu arki karo astaamo muujinaya siyaasadda waaweynka. Waxaa ka mid ah in siyaabo kala duwan loo yeeshay hay’adahii la xisaabtami lahaa laanta fullinta oo ay ugu horreyso sharci-dejinta, garsoorka iyo qaar ka mid ah ururada rayidka iyo warbaahinta madaxbannaan. Waxaa loo isticmaalay waxa afka cilmiga siyaasadda lagu dhaho “co-option strategy.” Sidoo kale, waxaa albaabada laga xirtay siyaasadda mucaaradaysan oo aan og nahay kaalinteeda ku aaddan xoojinta dhaqanka dimuqoraaddiga. Awooddii siyaasadda dalka waxay ku soo uruurtay hal xafiis, si kale u dheh, waxay ka bilaabanaysaa kuna soo dhammaanaysaa xafiiska madaxweynaha. Sidaas darteed, waxaa meesha ka baxay siyaasaddii loo baahnaa ee ku dhisneed wax wada yeelashada, wadatashiga, isu-tanaasulka, is-oggolaanshaha iyo heshiis siyaasadeed loo dhan yahay (political consensus).

Markaad la barbardhigto dowladdii Hassan Sheikh iyo tii Shariifka, waxaad ogaanaysaa in farqiga ugu weyn uu ka jiro dhanka siyaasadda. Shariifka waxaa lagu xusuustaa siyaasaddiisii furfurneed, Garowe 1, 2 iyo doorashadii dalka looga saaray kumeelgaarnimada. Halka Hassan Sheikh lagu xusuusan karo siyaasaddiisii furfurneed, madasha qaranka iyo doorashadii 2017 dhacday. Madaxweyne Farmaajo isagana waxa keliya ee lagu xusuusan doono waa doorashada qofka iyo codka ah waa haddii uu ka dhabeeyo.

Inkasta oo aan aad uga dayriyey saddexdii sano ee u dambeysay, haddana maamulka Farmaajo waxaa lagu sifeyn karaa sida markab ka lumay jihadii doorasho oo dhex sabbeynaya badda biyaha furan, kaas oo ay marba dabeeshu dhinac u riixayso. Si kale u dhig, madaxweyne Farmaajo waxaa laga filaayey in si gaar ah uu mas’uuliyad iskaga saaro sidii dalka loo gaarsiin lahaa doorasho qof iyo cod ah, marnaba lagama sugeyn in markii sagaashanka la soo gaaro iyada oo firimbiga afka lagu haayo uu dhaho waxaa dhacaysa doorasho qof iyo cod.

Ugu dambeyn, haddii doorashadaas ay dhacdo, lana sii joogteeyo oo afartii sano ba santuuqa lagu kala baxo, lana dhammeystiro dastuurka, sidoo kale la kala madaxbannaaneeyo laanta sharci-dejinta (Barlamaanka) iyo fullinta waxaan ku doodayaa in Soomaaliya ay ka badbaadeyso siyaasadda waaweynka iyo keligiitalisnimo.

WQ: Hassan Mudane

Agaasime Ku Xigeenka Machadka HIPAD

Afeef: Qoraalkani waxa uu ka tarjumayaa aragtida shaqsiga ah ee qoraaga, marnana kama tarjumayo ra’yiga hay’ad ama shaqsi kale.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW