U bood dhigaalka

Soomaaliya yaa ku matalaya Shirka IGAD?

Sheeko:Amniga

Ra’iisulwasaare ku-xigeenka dalka iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Kenya, halkaas oo ay kaga qayb galayaan shirka urur gobaleedka IGAD.

Mahdi Maxamed Guuleedka Khadar, ayaa madaxweynaha Soomaaliya kumatalaya meertada 39-aad ee madaxda urur gobaleedka IGAD.

Shirkaan oo ah meertada 39-aad ee urur gobaleedka IGAD, ayaa sanadkaan looga hadlaya arrimaha ay kamid yihiin dagaalada Itoobiya, xiisadda Sudan iyo Itoobiya, abaarta Soomaaliya iyo Kenya iyo arrimo kale oo ka taagan dalalka ku mideysan ururka.

Qorshaha shirkaan ayaa ahaa in Soomaaliya uu ku matalo madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud, balse madaxweynaha ayaa booqasho iyo martiqaad ku jooga dalka Turkiga, taas oo sababtay wafdi kale uu hoggaaminayo ra’iisulwasaare ku-xigeenka dalka ku matalao Soomaaliya.

Madaxweynaha Kenya, Ra’iisulwasaarah Itoobiya iyo madaxda dalalka ku midaysan urur gobaleedka IGAD, ayaa shirka ka qayb galaya.

Goobjoog News