U bood dhigaalka

Sooyaalka Isbadallada Jadwalka Doorashada Soomaaliya ee 2020/2021

Sheeko:Amniga

Iyadoo lagu wado in beri oo Talaada ah ay si rasmi ah u bilaabmaan doorashada golaha shacabka ee baarlamaanka 11-aad dalka ayaa waxaa soo baxaya shaki iyo walaac laga qabo in ay doorashada ku qabsoomi weyso jadwalka ay shaaciyeen guddiga doorashooyinka heer fedeeral.

Hadaba waxa ay Goobjoog News  kula wadaageysa Sooyaalka Isbadallada Jadwalka Doorashada Soomaaliya ee 2020/2021, ee dib u dhaca ku yimid.

October 2, 2020: Golaha wadatashiga qaran oo Muqdisho shir ku lahaa ayaa soo saaray jadwal doorasho, iyaga oo shaaciyey in doorashada Aqalka Sare dhiceyso 1-da illaa 10-ka December halka doorashada xildhibannada Golaha Shacabka ay dhici doonto 10-ka illaa 27-ka December ee sanadkii tagay, waxaa kale oo ku jiray doorashada guddoonka labada aqal iyo Madaxweynaha dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa dhici doonta 1-da Janaayo illaa 8-da February 2021.

December 23, 2020: Guddida doorashada dadban ee heer federal ayaa soo saaray jadwal ay ku leeyihiin waxaa doorashada kuraasta Golaha Aqalka Sare lagu soo dhammeystirayaa inta u dhaxaysa 31ka Diseembar 2020 ilaa 6da Jannaayo 2021 iyada 7da Jannaayo 2021 la gudagalayo diiwaangelinta, xaqiijinta iyo tababarista xubnaha odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ah ee ka qeybgalaya xulista ergooyinka doorashada.

December 29, 2020: Qoraal kasoo baxay guddiga dadban ee doorashada qaranka ayaa u qornaa sidan “Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) wuxuu daneeyeyaasha arrimaha doorashooyinka ku wargelinayaa in isbaddal uu ku yimid jadwalka doorashooyinka Golaha Aqalka Sare ee horey loo qorsheeyey in ay bilaabmato 31ka Diseembar 2020 ilaa 6da Jannaayo 2021.

Guddigu waxa uu la wadaagayaa Madaxda Dowladaha Xubnaha Ka ah Dowladda Federaalka in qabashada codsiyada murashixiinta Golaha Aqalka Sare ay ku egtahay 5ta Jannaayo 2021, halka tartanka kuraasta Aqalka Sare loo asteeyay in la qabto inta u dhaxaysa 7-14 Jannaayo 2021.

June 29, 2021: Golaha wadatashiga ayaa soo saaray jawdal iyaga oo ku sheegay Doorashada xildhibaanada Aqalka Sare la qoondeeyey in la qabto 25-ka July 2021 halka doorashada xildhibaanada golaha shacabka ay noqoneyso 10 August – 10 September 2021, dalkuna uu madaxweyne yeesho October 10, 2021.

July 16, 2021:  Jadwal ay soo saareen guddiga doorashada dadban ayaa waxaa jadwalkaas ku jiray in doorashada aqalka sare la qabtay July 25-28, 2021 iyada oo la qabanayo codbixinta golaha shacabka September 12-October 2, 2021, lana dhaariyo dhammaan xildhibaannada labada aqal October 7, 2021

September 4, 2021: Jadwal kale oo ay soo saareen guddiga doorashada dadban Qabashada doorashada waxaa ku dhignaa aqalka sare lagu dhameystiro September 18, 2021, laakin taasi ma dhicin ee waxaa la iska soo gaaray ilaa maanta November 13, 2021.

Waxaa isla jadwalka ku xusnaa in la qabto doorashada golaha shacabka October 1, 2021-November 20, 2021.

November 11, 2021:  Guddiga doorashada dadban ee heer federal waxaa uu soo saaray jadwal cusub oo dhigaya in December 24, 2021 lagu soo gabagabeeyo doorashada golaha shacabka.

Goobjoog News