U bood dhigaalka

Sooyaalka Kiiska Ikraan Tahliil iyo Halka Uu Ku Dambeyn Doono!

Sheeko:Amniga
Shaacinta geerida ikraan Tahliil Faarax oo aheyd NISA, lana la’aa 2 bil ayaa noqotay hadalheynta Soomaaliya, iyada oo la dalbanayo in cadaalad loo helo.
Inkasta oo aaney ka hadlin xukuumadda federaalka ah, hadana Mas’uuliyiin kala duwan oo ay ku jiraan madaxweyneyaal iyo ra’isul wasaarayaal dalka soo maray ayaa dalbaday in cadaalad hesho, laguna sameeyo baaris madaxbannaan. 1996-kii ayay ku dhalatay Ikraan Tahliil magaalada Muqdisho.
Waxay ka mid ahayd dhallinyarada dibadda wax kusoo bartay kaddibna dalka dib ugu soo laabtay.
2017-kii ayay ku biirtay Ikraan Hay’adda Sirdoonka Qaranka NISA , waxa ayna tababar ku soo qaatay mudo shan bil ah magaalada London ee dalka UK.
26-kii June muuqaal ay duubtay CCTV ayaa muujiyay Ikraan Tahliil oo gaar ka raacsay gurigeeda oo ku dhow xarunta NISA ee Muqdisho, wixii xiligaa oo ahayd markii la waayay.
02-Semptember Hay’ada Sirdoonka Qaranka ayaa qoral ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in Ikraan oo mudo ka mid ahay NISA ay ku baxday gacanta Al Shabaab.
03- Semptember Al Shabaab war ay ku daabaceen barahooda Internet-ka ayay ku sheegtay in fajac ay ku noqotay warka ka soo yeeray NISA ee la xiriira in dilkeeda iyaga ay ka danbeeyeen.
3, 2021 September Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’isul Wasaare Cumar Cabdirashid iyo xubno ka mid ah midowga musharaxiinta ayaa Dalbaday in Baaris Madaxbannaan Lagu Sameeyo Dilka Ikraan.
Kiiska Ikraan ma aha mid u muuqdo in sidaa kusoo gabagaboobey, waxaana la rumeysan yahay in dad badan ay shaqada ku weyn doonaan.
Goobjoog News