U bood dhigaalka

Sooyaalka Maamulka Madaxweyne Gaas Oo Sanad Jirsaday (Dhageyso)

Sheeko:Dalka
  1. January 8, 2014: Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa waxaa ka dhacday doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland, xilalkaas oo ay kusoo kala baxeen madaxweynaha cusub ee Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas iyo madaxweyne ku xigeenka cusub ee Puntland, C/xakiin C/llaahi Xaaji Cumar (Camey).
  2. Maarso 17, 2014: Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda dilka taliyihii ciidamada Daraawiishta Puntland ee ku sugan aaga tuulada Gal-gala, Jaamac Siciid Warsame (Af-guduud).
  3. April 7, 2014: Garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa maalintaas lagu toogtay laba sarkaal oo u shaqeynayay hay’adda UNODC oo la dagaalanta daroogada iyo damiyada.
  4. June 07, 2014:  Sheekh Maxamed Siciid Atam oo hoggaaminayay xoogagga Al-shabaab ee ka dagaalama Buuraha Galgal ee Puntland ayaa isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya arintaas waxaa soo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland Gaas.
  5. Agoosto 4, 2014: Taliyihii Ciidanka Booliska qeybta Bari ee maamulka Puntland Cabdirixmaan Cali Xuseen ayaa ku geeriyoodey qarax lagula eegtay gudaha magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
  6. August 17, 2014: Nicholos Kay ayaa  Magaalada Garoowe ee xarunta dawlad goboleedka Puntland kula kulmay Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.Kullan Gaar ah oo ay wada qaaten Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Danjire Nicholos Key ayaa waxa ay uga wada hadleen qodobo ay ka mid ahaayeen; Xiriirka u dhaxeeya Q.M iyo Dowladda Puntland iyo sidii loo sii xoojin lahaa, iyo xiriirka u dhaxeeya Puntland iyo dowladda Fadaralka.
  7. Aktoobar ctober 1, 2014: Ciidamada Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa gebi ahaan la wareegay gacan ku haynta buuraleyda Galgala kadib dagaal qaraar oo maanta halkaa ka dhacay. Dagaalka ayaa buuraha galgala waxa uu ku dhex maray dagaalyahano ka tirsan xarakada Al-shabaab iyo ciidamada Puntland oo weeraray, hadalkan waxaa  shir Ja’aaid ku sheegay Madaxweynaha Puntland Gaas isagoo intaa raaciyay in ay daba joogaab firxadkooda.
  8. Aktoobar 10, 2014: Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland. Hogaanka sare ee maamulka Puntland oo u horkacayo madaxweyne, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku soo dhawaysay wafdiga garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe.
  9. Aktoobar 14, 2014: Heshiiska ayaa waxaa magaalada Garoowe ku kala saxiixdeen dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu wakiil ka ahaa Ra’isulwasaare Cabdiwali Sheekh Axmed iyo maamulka Puntland.
  10. Oktober 21, 2014: Shirka Maalgashiga Africa ayaa ka furmay Hotel Savoy ee London ayaa waxaa ka soo qeyb galay madax badan oo Africa ah. Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay wafdi balaaran oo ka socda maamul goboleedka Puntland oo uu hogaaminayo madaxweyne Cabdiweli Maxamed Gaas.Shirkan ayaa waxaa lagu casumay wadama Rwanda, Puntland, Uganda, Tanzania iyo Gana sida  madaxweynayaasha wadamadaas oo kala ahaa Madaxweynaha Rwanda “Paul Kagame”, Madaxweynaha Puntland “Dr. Abdiweli M. Ali Gaas”, Madaxweynaha Uganda ” Yoweri Kaguta Museveni”, Madaxweynaha Gana ” John Dramani Mahama” iyo Ra’iisal wasaaraha Tanzania “Mizengo Pinda”.
  11. Oktober 27, 2014: Madaxweynaha dawlada Puntland Dr. Abdiweli Mohamed Ali Gaas iyo weftigii la socday oo ka yimid  Magaalada London oo mudo todobaad ah ay booqasho ku joogeen ayaa soo gaadhay Magaalada Addis-Ababa ee caasimada dalka Ethiopia waxayna halkaas kulan kula qaateen Wasiirka arimaha dibadda Itoobiya Tedros Adhanu. Kulanka Madaxweynaha Dawlada Puntland Wasiir Tedros Adhanu oo ku weheliyeen Wasiirka Beeraha Puntland mudane. Boos iyo Wasiir dawlada lacagta ee Ethiopia ayaa waxaa sidoo kale looga wada hadlay xiisada siyaasadeed ee ka aloosan Soomaaliya iyo waxa sababay khilaafka Ra’iisal wasaaraha DF ee Soomaaliya Iyo Madaxweynaha DF Soomaaliya iyo doorka amuurtaasi dawlada Puntland ka qaadan karto sidii loo damin lahaa xiisada ka aloosmay magaalada Muqdisho.
  12. Oktober 28, 2014: Heshiis ayaa dhex maray Maamulka Puntland iyo shirkad kaluumeysi laga leeyahay dalka Thailand si shirkadaas uga kaluumeysato Biyaha Puntland, Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Maxamed Farax Adan ayaa sheegay in heshiiskan oo mudo gaaban socon doono oo wax ka tari doono xiriirka labada dal.
  13. Nofeembar 18, 2014: Qof goobjooge ah ayaa Warbaahinta Goobjoog u xaqiijiyay in Wariye Cabdi Risaq Cali Silva lagu dilay goob lagu shaaho oo ku taal magaalada Galkacyo. Wariyaha la dilay ayaa u shaqeyn jiray Radio Daljir iyo Royal Tv xafiiska magaalada Galkacyo, dilkan ayaa ka dhacay waqooyiga Galkacyo.
  14. December 21, 2014: Madaxwaynaha dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maalintaas Puntland dib ugu soo laabtay, kadib markii uu safar ugu maqnaa dalka Itoobiya oo uu kula soo kulmay madax kalle duwan. Madaxwaynaha ayaa waxaa uu sheegay safarkiisa  uu ku tagay Itoobiya inay ugu wayneed laba qodob oo kala ahaa nabadgalyada iyo ganacsiga, waxaana ay marayaan meel fiican.
  15. December 23, 2014: Madaxweynaha Dawladda Puntland Gaas ayaa  xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dawladda Switzerland Dominik Langen Bakher, Madaxweynaha oo uga mahadceliyey Safiirka booqashadiisa uu ku yimi Puntland ayaa waxaa uu si guud u guud maray sanadkii uu hogaanka Dawladda Puntland hayey waxyaabihii u suurtagalay sida dhinacyada Caafimaadka, Waxbarashada, Cadaalada Amniga iyo hanaanka dimuqraadiyada.Sidoo kale madaxweyne Gaas ayaa tibaaxay in la abuuray jawi cadaaladeed oo loo siman yahay, amni lagu kalsoon yahay, dhinaca kalana sheegay inla labanlaabay kharashka ku baxa waxbarashada oo markii hore ahaa 3.5% oo hada la gaarsiiyay 7%
  16. December 29, 2014: Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si rasmi ah u soo xiray shirweynihii dib u eegista Qorshayaasha Hay’addaha Dawladda Puntland 2014-2015 oo soconayey muddo dhan saddex maalmood. Xiritaanka shirka oo ay ka soo qeyb galeen dhammaan masuuliyiinta kala duwan ee hay’addaha dawladda ayaa waxaa sidookale isna goob joog ahaa Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Mudane Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey. Waa markii ugu horaysay oo barnaamijkaani ka hirgalo Puntland iyo guud ahaanba soomaaliya iyadoona dadweynuhu si toos ah ugala socdeen qeybaha warbaahinta madaxa banaan iyo weliba Tvga Dawladda ee puntland TV.
  17. January 1, 2015:Goor Habeen ahaa Bam lagu tuuray Radio Galkacyo, Ugu yaraan laba Suxufi, ayaa ku dhaawacantay qaraxaas ka  dhacay Waqooyiga Magaalada Galkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug. Qaraxa waxaa lagu weeraray Xarunta Radio Galkacyo. Suxufiyiinta ku dhaawacantay qaraxaasi, ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Shiine Cabdi Axmed iyo C/laahi Maxamuud Aadan (C/laahi Yare), oo ka tirsan Radio Galkacyo.
  18. January 6, 2015: Shir Jaraa’id uu qabtay Gaas waxaa uu ku sheegay in dagaalka Galgala uu galay wajiga labaad, Gaas waxaa uu sheegay in Dagaalka Al-Shabaab kaga dileen 20, dhaawaceeen29, ciidamada Puntland waxaa ka dhintay shan askari iyo dhaawaca afar kale, waxaa ku qabsanay qalab kala duwan oo isugu jira raadiyaaasha, wuxuuna firxadkooda u baxsadeen dhanka Gobolada Waqooyi, sidaa waxaa Warbaahinta u sheegay Gaas oo Sidoo kale sheegay inay dagaalka ku qabteen labo sarkaal oo waa weyn ahaa, kuwaasoo uu magacyadooda ku kala sheegay Mukhtaar Cabdinuur Axmed oo ku magac dheer Axmed Gurey iyo Axmed Cabdi Maxamed oo ka mid ahaa mas’uuliyiinta ugu sareysay.
  19. January 8, 2015: Waxaa loo dabaal degayaa Sanad guuradii Koowaad Markii Madaxweyne uu noqday Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Halkaan Hoose Ka Dhageyso Sooyaalkaan oo Maqal Ah.