U bood dhigaalka

Sooyaalka Qaraxyada iyo Weerarada Loo Geystay Hoteelada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa dhowr jeer ka dhacay weeraro lagu qaaday qaar ka mid ah Hootelada ku yalla magaalada Muqdisho, kuwaa oo isugu jira Is Qarxin iyo weeraro Toos ah.

Hadaba Goobjoog News waxa ay idiin soo gudbineysaa Sooyalka Qaraxyada iyo weerarada loo geystay Hoteelada Muqdisho.

December 3, 2009: Waxaa weerar Ismiidaamin ah lagu qaaday Hotelka Shamow ee magaalada Muqdisho, waxaana halkaasi ka dhacaysa munaasabad qalin Jabin ah. Iyadoo goobtaasi ay ku dhinteen in ka badan 20 qof oo isugu jiray Arday, Mas’uuliyiin iyo dad kale oo halkaasi ku sugnaa.

Mas’uuliyiintii weerarkaasi ku dhimatay waxaa ka mid ahaa Wasiirkii Caafimaadka Qamar Adam Cali, Wasiirii Taclinta Sare Prof. Ibrahim Xassan Caddow , Axmed Cabdullaahi Waayeel Wasiirkii Waxbarashada, Dr. Shahiid, waxaana markaasi ku dhaawacmay  Wasiirkii Cayaaraha Saleebaan Colaad Roooble.

August 24, 2010: Qarax Ismiidaamin iyo rasaas ayaa ka dhacday Hatel Muna ee magaalada Muqdisho, 23 qof ayaa ku dhimatay, Xildhibaannada ku geeriyooday ismiidaaminta ayaa kala ahaa Maxamed Xassan M. Nuur, Geeddi Cabdi Gadiid, Buulle Xassan Macallim, Idiris Muuse Cilmi.

Sidoo kale xildhibaannada ku dhaawacmay waxay kala ahaayeen: Cali Cabdiqaadir Macallim,  Cali Maxamuud Cabdi, Axmed Sheekh M. Maxamud, Maxamed Caateeye Fariid, iyo Isaaq Ibraahim Cali.

September 20, 2012: Qaraxyo Ismiidaamin ah ayaa lagu qaaday Maqaayadda The Village oo ku dhegan guriga Hooyooyinka, 16 qof oo wariyaal ay ku jireen ayaa dhintay. Saxafiyiinta la xaqiijiyey in ay geeriyoodeen waxaa ka mid ah Madaxa Wararka ee TV-ga Qaranka Liibaan Cali Nuur, wariye C/sataar Daahir Sabriye oo isna ka mid ahaa wariyaasha Raadiyaha iyo TV-ga Qaranka, iyo sidoo kale agaasimihi Radio VOD ee magaalada Muqdisho C/raxmaan Yaasin Cali, Waxaa kaloo halkaas ku dhintay Marxuum Maxamed Xirsi Dhuunkaal iyo dad kale.

January 1, 2014: Ugu yaraan Shan qof ayaa ku geeriyooday, 22 kalena way ku dhaawacmeen qaraxyo ka dhacay afaafka hore ee hoteelka Jasiira ee magaalada Muqdisho.

October 12, 2014: Qarax Ismiidaamin ahaa ayaa ka dhacay Oromo Coffe, ilaa 10 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen weerarkaas.

November 7, 2014:  qarax goor habeenimo ah  ka dhacay agagaarka Hotel Maleeka ee magaalada Muqdisho, qaraxaan oo miino waxaana lagu xiray Gaari uu watay agaasime ka tirsan wasaaradda beeraha xukuumada Soomaaliya.Xamar weyne ee Magaalada Muqdisho.

January 22, 2015: Inta la ogyahay saddex qof oo laba booliis ah ay ku jiraan iyo qofkii weerarka fuliyay ayaa ku geeriyooday qaraxa ka dhacay afaafka hore ee Hotel SYL.

February 20, 2015: Qarax Ismiidaamin iyo weerar toos ah aya ka dhacay Central Hotel Waxaa la xaqiijiyay geerida gudoomiye ku xigeenkii dhanka siyaasadda ee maamulka gobalka Banaadir Maxamed Aadan Guuleed (Caane Geel) iyo sidoo kale Xildhibaan Xildhibaan Cumar Cali Nuur (Cumar Furdug), waxaana sidoo kale halkaasi ku dhintay dad shacab ah iyo ragii weerarka qaaday.

Sidoo kale xubnaha dhaawacmay waxaa ka mid ah Xildhibaan Cabdiqaadir Cali Cumar iyo  siyaasiin halkaasi ku sugneyd oo qaarkood dhaawac fudud soo gaaray.

Dadka qaraxa ku dhintay, waxaa ka mid ah: Cabdi Shakuur Mire Aadan oo xilal kala duwan kaso qabtay Puntland ahaana Qoraa,  Agaasimihii hore ee Wasaaradda Ganacsiga Puntland Maxamed Yuusuf Sharlaawe, Shire Jaamac Xassan oo ahaa Arday reer Puntland ah oo Muqdisho u doontay Waxbarasho Jaamacadeed oo Turkiga ah, Maxamed Amiin Guure Arday reer Puntland ah oo Waxbarasho Jaamacadeed oo Turkiga ah sugayay, Suldaan Cabdulqaadir Suldaan Yaasiin Keenadiid oo ka mid ahaa Isimada Puntland, Xildhibaan Axmed Ducale Xaaji Kafee oo ka tirsanaa Golaha Baarlamanka Puntland,  Cabdifataax Khaliif Baadiye oo ahaa La-taliyaha Ra’iisul Wasaaraha, Axmed Abshir Muuse Sarkaal oo ahaa Sarkaal ka tirsan Ciidanka iyo askar kale.

March  11, 2015: Goor habeen ah ayaa waxaa uu qarax ka dhacay agagaarka Hotel Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdishu, labo qof ayaa ku dhaawacntay qaraxaas, waxaa sidoo kale ku burburay Hanti badan.

March 27, 2015: Koox si weyn u hubeysan ayaa xilli casar ah weerartay hotel Makka Al Mukarama, kadibna gudaha u galay, halkaasi oo ay ka dagaalamayeen 12 saacadood, maalinkii xigtay ee sabtida ahayd wasiirka warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegey in 14 qof ay ku dhinteen, sidoo kalana 50 la badbaadiyey.

Waxa uu intaasi ku daray in 6 ka tirsan dagaalyahanada ay dileen, balse waxa saxaafadda ay aragtay 4 meyd oo xirnaa dareeska ciidamada oo illinka hoteelka lasoo dhigey.

Madaxa isbitaalka Madina Duniyo Cali Maxamed ayaa Goobjoog u sheegtey in isbitaalka lasoo dhigey 28 qof, kuwaasi oo 4 ka mid ah ay markiiba dhinteen, 24-ka qof ee soo hartay ayay sheegtey in 10 ka mid ah ay dhaawacyadoodu darnaayeen, una baahdeen in qaliin lagu sameeyo, halka 14 kale durbadiiba inta la dhayay ay guryahooda aadeen.

Dadka hoteelka ku waxyeeloobey ka sokoow waxaa jirey dad kale oo shacab ah oo ku dhintey hoobiyeyaal ku habsaday guryahooda, kuwaasi oo ay xalay is weeydaarsanayeen raggii hoteelka weeraray iyo ciidamada dowladda, illaa 2 qof ayaa ku dhimatay, qaar kalana waa ay ku dhaawacmeen, hase yeeshee tirada intaasi waa ay ka badan kartaa.

April 21, 2015: 9 qof oo ayaa ku dhimatay 7 kalena waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii weerar Qarax lagu xiray gaari markii lala eegtay Maqaayadda Banooda ee magaalada Muqdisho.

July 10, 2015:  Laba weerar oo Ismiidaamin iyo weerar toos ah ayaa lagu qaaday Hoteelada Wehliye iyo Siyaad oo ku yalla magaalada Muqdisho, xilli ay ku beegneed Afurka, waxaana halkaasi la xaqiijiyay in ay ku dhinteen 18-qof oo isugu jira shacab iyo dadkii weerarka qaaday, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay halkaasi 16 qof sida ay Goobjoog News u xaqiijisay agaasimaha Isbitaalka Madiina.

Goobjoog News