U bood dhigaalka

Sooyaalka Qaraxyada iyo Weerarada Ka Dhacay Dalka Kenya

Sheeko:Dalka

Maanta oo kale 2013kii  Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay weerar lagu qaaday Westage Mall oo ah suuq ganacsi oo ku yaallo bartamaha Nairobi,waxaa halkaas ku dhintay in ka badan 67 qof halka ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 200 oo ruux.

Al-shabaab ma weerari jirin dalka Kenya wixii ka horeeyay 2011kii, xilligaas oo Militariga Kenya iyo Taageerayaasha Maxamed Cabdi Gaandi ay Al-shabaab ka qabsadeen magaalo xeebeeda Kismaayo bishii April 2011.

Kenya ayaa dagaal cir iyo dhul ah ku qaadday Al-shabaab iyagoo ka qabsaday gobollada Gedo iyo Jubbooyinka, Kenya waxaa ay halkaas ka dhistay maamulo iyada taageera sida maamulka AZAANIA ee Gandhi 2011-dii ilaa 2013-dii iyo Maamulka hadda jira ee Axmed Madoobe.

Al-shabaab wixii dagaalladaas ka dambeeyay waxaa ay wacad ku martay in ka aargoosan doonto Kenya, waxaa ay weeraro badan ku qaaday gudaha dalka Kenya sida qaraxa maanta oo kale dhacay ee Westage Mall

Hadabada Halkan hoose ka akhriso Sooyaalka Qaraxyada Al-shabaab ee dalka Kenya:

Dalka Kenya waxaa ka dhacayey qaraxyo ay sheegatay Al-qa’ida tan iyo 1998-dii, Waxaa markii ugu horeysay 7 August 1998dii ka dhacay qarax ay ku dhinteen 213 oo isugu jiray Askar, Sirdoon iyo shaqaale Mareykan ah, 11 kale ayaa ku dhimatay Daru Salaam, Tanzaniya November 28, 2002-dii, Baabuur lagu weeraray Hotel ay leeyihiin wadanka Isra’il, waxaa kaloo gantaalo lagu riday Diyaarad ay saarnaayeen 261 qof lakin gantaalka kuma dhicin.

Qaraxyada laga geysto Kenya waxa ay sii bateen, June 11, 2007: waxaa Nairobi ka dhacay qarax geystay dhaawac gaaraya 41 qof iyo Labo qaraxoo kale oo lala beegsaday Kaniisad, ugu yaraan 6 ay ku dhimateen, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 80 qof, qaraxyadan waxaa sheegan jiran Al-qaa’ida, lakin waxaa markii ugu horeysay Al-shabaab ay qarax sheegteen weerar Bam oo lagu tuuray Bas marayey Nairobi Bishii December 20, 2010, waxaa xigay Bam kale oo isla Nairobi lagu tuuray Bishii October 24, 2011, waxaa ku dhaawacmay in ka badan 30 qof.

October 27, 2011: Weerar lagu qaaday Gaari ay la socdeen Saraakiil Kenyaan ah ayaa lagu dilay ilaa 4 Sarkaal oo ka dhacay meel u dhaw xadka Soomaaliya iyo Kenya.

November 24, 2011: Labo Bam oo lagu tuuray xarun ku taalla Garissa ee gobolka Waqooyi bari waxaa ku dhintay 3 qof, waxaa ku dhaawacmay 27 qof, Booliiskuna waxay ku eedeeyeen Al-shabaab.

January 1, 2012: Is Rasaaseyn ka dhacay maqaaxi ku taalla Garissa, waxaa ku dhimatay 5 qof, is la Al-shabaab ayaa lagu eedeeyay.

January 12, 2012: 6 qof ayaa ku dhimatay saldhig Booliiska Kenya ay ku lahaayeen waqooyi bari ee dalka Kenya.

March 10, 2012: Bam lagu tuuray goobta Basaska laga raaco ee Nairobi waxaa ku dhintay 9 qof, waxaa ku dhaawacmay 60 kale.

June 24, 2012: Qarax ka dhacay Maqaaxi ku taalla Mombasa waxaa ku dhintay 3 qof halka Tobaneeyo kale lagu dhaawacay.

July 1, 2012: Qarax ka dhacay Kaniisad ku taalla Garissa waxaa ku dhintay 18 qof halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 40 qof.

November 18, 2012: Sagaal qof ayaa ku dhimatay Bas lagu qarxiyay Xaafadda Eastleigh ee Magaalada Nairobi.

December 7, 2012: Bam lagu tuuray Masjidka Al-Hidaaya ee Xaafadda Islii, waxaa ku dhintay 5 qof halka uu ku dhaawacmay Xildhibaanka Kamukunji Yusuf Xasan.

January 16, 2013: 4 qof ayaa ku dhimatay halka 6 kale ay ku dhaawacmeen Hotel ku yaallo Garissa

March 3, 2013: 21 qof oo ay ku jiraan 6 Booliis ah ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday Ciidamada Amaanka Kenya, weerarka waxaa uu ka dhacay Mombasa,

September 21  2013: Westage Mall, weerar lagu qaaday waxaa ku dhimatay in ka badan 67 qof, in ka badan 200 ayaa ku dhaawacantay.

February 12, 2014: Al-shabaab ayaa dilay 36 ka tirsan dad dhagxaan ka qodayey agagaarka Mandhera ee Waqooyi Bari Kenya.

June 15, 2014: Weeraro ayaa lagu qaaday Hotelo, kaalimo shidaal iyo saldhigyo booliis, waxaa dab la qabadsiiyay meelo badan, weeraradaan oo ka dhacay Mpeketoni waxaa ku dhintay 50 qof

June 17, 2014: Al-shabaab ayaa xeebta Kenya ku dishay in ka badan 15 qof isla maalin kadib weerarkii Mpeketoni.

July 6, 2014: 29 qof ayaa ku dhimatay weerar kale oo ka dhacay Xeebta Kenya gaar ahaan Hindi trading centre ee gobolka Lamu, Al-shabaab ayaa sheegatay weerarka.

July 18, 2014: Al-shabaab ayaa sheegtay weerar ay ka geysteen Witu oo u dhaw Lamu Country.

November 22, 2014: Al-shabaab Bas ka afduubtey meel u dhaw Mandhera, ayay ku dileen 28 qof oo aan ahayn Muslimiin, rakaabkii kalanna wey siidaayeen.

December 2, 2014: dad lagu laayay goob dhagxaanta laga qodo oo u dhaw xadka Kenya Iyo Soomaaliya oo gaaraya 36 qof, ayay masuuliyaddii weerarkaa sheegatay Al-Shabab.

April 2, 2015: Dabley weerar ku qaaday Jaamacadda Garissa, waxaa ku dhintay 150 qof ku dhaawacmeenna 79 qof, waxaa sheegtay Al-Shabaab.

Goobjoog News