U bood dhigaalka

Sooyaalka Ra’isulwasaare Cumar Cabdirishiid Cali Sharma’arke

Sheeko:Dalka

Cumar CabdirishiidMadaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Ra’isulwasaare u magacaabay Cumar Abdirashid Cali Sharma’arke kadib 10 maalmood oo uu ka fiirsanayay cidda uu xilkani u magacaabayo.

Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke waxaa dhalay Madaxweynihii 2-aad ee dalka Soomaaliya xukunka kasoo qabtay, ahaana Ra’isul Wasaarihii ugu horeeyey ee Soomaaliya Allaha u Naxariistee Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

Sharma’arke ayaa sidoo kale noqonaya Ra’isul Wasaarihii Sedexaad ee Dowladda Federaalka ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’isul Wasaarihii 12-naad ee Soomaaliya yeelato muddo 14-sano ah.

Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke waxaa uu ku dhashay  Magaalada Muqdishu ee caasimadda Soomaalida bishii June 19, 1960, waxaa uu heystaa sidoo kale dhalashada dalka Canada.

Cumar Cabdirashid waxaa uu Dhaqaalaha ka bartay Jaamacaddii Ummadda ee Soomaaliya, sidoo kale wax kusoo bartay Jaamacada Carleton University ee magaalada Ottawa ee dalka Canada oo uu ka qaatey Shahaada Koowaad ee Siyaasadda, halka tan Masters-ka uu ka diyaariyay Siyaasadda iyo Dhaqaalaha isla Jaamacadaas.

Cumar Cabdirashiid wuxuu shaqadiisii ugu muhiimsaneyd kasoo qabtay Qaramada Midoobay oo uu uga soo shaqeeyey dalal badan oo ay kamid yihiin dalal ay dagaalo ka socdeen sida gobolka Darfur ee dalka Suudaan, iyo dalka Sierra Leone ,

Waxaa uu sidoo kale ka shaqeeyay Xarunta Nabadda iyo Dimoqoraadiyadda , Bangiga horumarinta Soomaaliya, iyo shirkadda cabitaanada ee Coca Cola.

Mudadii u dhaxeysay 14 February, 2009 illaa 21 September 2010 waxaa uu Ra’isul Wasaare ka ahaa dowladdi Sharif Axmed.

13 February 2009: Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Cumar Cabdirashid Ali Sharmarke u magacaabay Ra’siul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

20 May 2010: Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa kalaabtay xil ka qaadistii uu ku sameeyay Sharma’arke kadib markii lala taliyay sida uu sheegay Madaxweyne Sharif Sheekh Axmed.

26 May 2010: Madaxweyne Shariif ayaa mar kale doonayey inuu casilo Sharma’arke, balse Sharma’arke arinkaas waa diiday…..is jiijiid iyo is qabqabsi labada dhinac ah dhowr bil socday kadib, waxaa ugu dambeyntii Sharma’arke lagu qanciyay in uu is casilo.

21 September 2010: Kadib sanad iyo lix bilood uu dalka Ra’sul Wasaare ka ahaa ayuu Sharma’arke is casilay kadib khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo Madaxweyne Sharif.

July 11, 2014: Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke waxaa loo magacaabay safiirka Soomaaliya ee dalka Mareykanka.

December 17, 2014: Waxaa mar kale loo magacaabay xilka Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya.

Goobjoog News