U bood dhigaalka

SOSCENSA Oo Ku Baaqday In La Xaqiijiyo Kaalinta Haweenka Ee Dowladda Soo Socota

Sheeko:Dalka

Ururada aan dowliga ahayn ee SOSCENSA ayaa ku baaqay in la xaqiijiyo kaalinta dumarka ay ku yeelan doonaan dowladda cusub ee soo socota.

Guddoomiyaha dalladaasi C/laahi Maxamed Shirwac oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in ay muhiim tahay in laga dhabeeyo ballan qaadka haweenka ee ah in la siiyo koonto ah 30%.

Shirwac ayaa dhinaca kale mar uu ka hadlayey arrinta ku aadan guddiga doorashada ayuu sheegay in la haysto fursad aad u wanaagsan oo wax badan lagu hagaajin karo.

“Waxaan leeyahay fursad ayaa jirta oo wax lagu hagaajin karo waxaan haysannaa Labo Bilood marka wax badan baa la hagaajin karaa guddi xalaal ah oo dadka caddaalad u sameeya baa la sameyn karaa, sharciga doorashadana waa la sameyn karaa, Saddex arrin ee dhibka ka taagan yahay xal baa loo heli karaa, waxayna u baahan tahay niyad wanaag” ayuu yiri Shirwac.

Soomaaliya waxaa la filayaa in sanadkaan 2016-ka ay ka dhacdo doorasho dadban, waxaana dhawaan dib u habeyn lagu sameyn doonaa guddiga doorashadan oo siyaasiyiinta laga saarayo.

Goobjoog News