U bood dhigaalka

SOSCENSA Oo Walaac Ka Muujisey Dib u Dhaca Doorashooyinka

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha jilayaasha aan dowliga ahayn ee SOSCENSA C/laahi Maxamed Shirwac ayaa sheegay in dhankooda walaac ay ka qabaan qaabka ay doorashada u socoto iyo sidoo kale dib u dhacyada ku imaanaya.

Shirwac ayaa sheegay in si loo dardargeiyo qaabka ay hadda doorashada u socoto ay safaaradaha Turkiga iyo Ingiriiska ay madaxdooda kala hadleen sidii ay gacan kaga geysan lahaayeen hannaanka doorashada ay hadda u socoto.

“Waxaan la kulannay madaxda safaaradaha Ingiriiska iyo Turkiga, waxaan u geynay qaabka aan u aragno in loo wajaho doorashada hadda socota, waxaan ka codsannay in codsigaasi loo gudbiyo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey” ayuu yiri Shirwac.

Guddoomiye Shirwac ayaa dhanka kale tilmaamay in muhiim ay ahayd doorashada iney ku dhacdo waqtigii loogu talogalay, iyadoo la ogyahay iney jiraan culeyso badan oo dhanka doorashada ah.

Doorashada madaxtinimo ee dalka ayaa marar badan dib uga dhacday waqtigeeda, iyadoo ururada bulshadana ay arrintaasi walaac ka muujiyeen.

Goobjoog News