U bood dhigaalka

SOSCENSA: Waxaa Jira Walwal Ah In Doorashada Soo Socota Noqoto Mid Lacageed

Sheeko:Dalka

Ururadda Bulshadda rayidka ah ayaa  sheegay in Guddiga Doorashooyinka ee uu Magacaabay Madaxwayne Xasan Sheekh loo baahnaa in laga madaxbanaaneeyo Xubno ka tirsan Dowladda Federaalka ah.

Guddoomiyaha hay’adda aan dowliga ahayn ee SOSENCHA ayaa isaga oo la hadlay Goobjoog News waxa uu sheegay in madasha ay baal martay guddigii hore ayna sameysteen guddi cusub.

Muhiimadda hadda loo baahan yahay ayuu sheegay in ay tahay si cadaalad ah ay u shaqeeyaan xubnahan, islamarkaana la doonayo oo kaliya in guddiga aanu eex sameyn.

Bulshada rayidka ah ayuu sheegay in doorashadan ay noqoto mid lacageed oo dad gaar ah ay soo saaraan dadka ay rabaan waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Shakiga weyn ee ay qabaan bulshada rayidka iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa ah in doorashadan noqoto mid lacageed, doorasho dad gaar ah ayaa dadkii ay rabaan soo saaraan, walwalkaasi waa uu jiraa, mana la dhihi karo hadda waa uu rumoobayaa ama waa uu beenoobi doonaa, laakiinse waxaan arki donnaa shaqada ay la yimaadaan, waxaa laga yaabaa inay noqdaan in dad howshii loo xil saaray u guta si wanaagsan” ayuu yiri Shirwac.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay xubnaha guddiga doorashada oo ay ku jiraan 5 wasiir, min Labo xubin oo maamul goboleedyadaa ah iyo Saddex shaqsi oo ka socda xafiisyada madaxweynaha, guddoonka baarlamaanka iyo kan Ra’iisul wasaaraha.

Goobjoog News