South Africa Oo Lagu Boobay Xarumo Ganacsi Oo Soomaali Leedahay

Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Africa ayaa waxay sheegayaan in la boobay xarumo ganacsi oo ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed, iyadoo weli ay jirto cabsi ah in xarumo kale la boobo.

Maxamed Yuusuf Kulane oo kamid ah ganacsatada ku dhaqan dalkaasi ayaa u sheegay Goobjoog News, in xalay la boobay in ka badan 20 dukaan oo ay Soomaali lahaayeen, lana qaatay wax walbo oo yaallay.

Sidoo kale waxa uu sheegay Maxamed, in dadka Madow ee K/Africa ay ku hanjabeen in 24-ka bishan oo ku beegan Jimcaha ina soo aadan ay dhici doonaan xarumo ganacsi oo ay leeyihiin guud ahaan ajaaniibta dalkaasi ku sugan.

“Cabsi wey sii korortay, xalay 20 dukaan in ka badan ayaa la boobay, kuwo kalena waa la badbaadiyey, 24-ta bishan ayeey sheegeen iney dhici doonaan wixii dukaan ah ee ay Soomaalida iyo ajaaniibta kaleba leeyihiin, dadka qaar waxay bilaabeen iney sii barakacaan” ayuu yiri Kulane.

Soomaalida ku dhaqan dalka K/Africa ayaa marar badan dhibaatooyin kala kulmay dadka madwga ah ee u dhashay dalkaasi.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW