U bood dhigaalka

Su’aal! Cag Kala Bixi La’aanta Farmaajo ee Dooxa!!

Sheeko:Amniga

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa haatan socdaal ku jooga dalka yar  ee Khaliijka dhaca ee Qatar, waana booqashadii labaad muddo saddex bil ah.

Warka rasmiga ah ee ay qortay wakaallada wararka Qatar waxaa ay sheegeysaa in Amiirka Qatar Tamiim iyo madaxweyne Farmaajo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal, iskaashiga, arrimaha ay daneeyaan ee gobol iyo dunida iyo qaar kale, waxaa kale xoogga lagu saaray arrimaha doorashada, isaga oo Farmaajo ka mahadceliyey taageerada joogtada ee dhaqaale iyo horumrinta ee Muqdisho, waxaana kulanka joogay ra’isul wasaare ku xigeenka dalkaasi Sheekh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Aala-taani, Sheekh Sacuud Bin Cabdiraxmaan Al-taani iyo wasiirkooda ganacsiga Sheekh Maxamed Bin Xamad Bin Qaasim halka dhanka Soomaalida uu Farmaajo la socday wasiirka ganacsiga Khaliif Cabdi Cumar.

Qoraal gaaban uu Farmaajo uu soo saaray bartiisa Twitterka waxaa uu ku sheegay inuu Tamiin kala hadlay xiriirka labada dal, xoojinta iyo in la sameeyo iskaashi isaga oo ka mahadceliyey soo dhoweynta.

Booqashada Farmaajo ayaa sidoo kale loo arkaa mid carqalad iyo jahowareer kusii kordhineysa xiriirka Khaliijka iyo dalka geeska Afrika, waxayna kusoo aadeysaa waxyar kahor socdaal la filayo inuu ra’isul wasaare Maxamed Rooble ku tago dalka Sacuudiga, isaga oo horay ugu guuleystay inuu soo celiyo xiriirka Muqdisho iyo Abu Dhabi markii uu tagay Imaaraadka Janaayo.

Dhanka kale, isla socdaal Farmaajo ee Dooxa, warar kale oo ka baxsan xogaha ay qorteen ayaa sheegaya in Amiirka Qatar uu Farmaajo hordhigay farriimo uu ka waday hey’ado iyo dalal daneeya arrimaha Soomaaliya.

Arrimaha lagala hadlay ee aan la shaacin waxaa ka mid ah in dunida welwel ka qabto inuu si nabad ah xilka ku wareejiyo iyo in kale, oo laga aamin baxay, waxaa la hor dhigay cunaqateynada hadda uu wajahayo iyada oo Tamiim uu ku wargeliyey in aanu gacansiin karin haddii ay arrintaas dhacdo isaga oo kula taliyey in aanu isa sharaxin doorashada madaxtinnimo ee soo socota.

Dhankiisa, Farmaajo ayaa Amiirka Qatar u sheegay inuu heysto fursad uu kusoo noqon karo, waxaa uuna weerar ku qaaday mucaaradka, dalalka reer galbeedka iyo dadka diidan joogitaankiisa isaga oo dalbaday lacag uu ku galo olaha doorashada, taasi oo aan la ogeyn in Dooxa ay markan diyaar la tahay iyo in kale.

Farmaajo, oo sanad ka badan si sharaci darro ah ku jooga Villada Somalia ayaa wajahaya cunaqabateyn dhan walba, isaga oo caqabad ku noqday marar badan heshiiskii May 27, labo sano oo sharci darro laga diiday, waxaana dalka oo hadda la xulay ilaa  267 xildhibaan oo labada aqal ka socota doorasho tii ugu musuqa badneyd tan 1969-kii.

Goobjoog News