U bood dhigaalka

Sudan: Haraadiga Nidaamkii Hore Al-Bashiir Waxay Damacsanaayeen In Ay Afgambiyaan Dimuqraadiyadda

Sheeko:Amniga

Dowladda Sudan ayaa shaacisay in Afgambigii dhicisoobay ee shalay ka dhacay caasimadda dalka ee Khartum in ay ka dambeyeen ciidamo taageersan madaxweynihii hore ee talada dalkaasi laga tuuray Cumar Al-Bashiir.

Ra’iisul wasaaraha dalkaas ayaa sheegay in haraadiga Al-Bashiir, in ay qorsheynayaan Afgambi xilka lagaga tuuro xukuumadiisa.

“Hadhaagii nidaamkii hore Al-Bashiir waxay damacsanaayeen inay Afgambiyaan dimuqraadiyadda rayidka ah”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Cabdalla Xamduuk .

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale ku tilmaamay in ay ahaayeen waxa dhacay Afgambi abaabulan, “isku day afgambi oo la soo abaabulay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Ra’iisul wasaare Xamduuk.

Gelinkii hore ee subaxnimadii Talaadada ayaa ciidamada ka tirsan kuwa militeriga Sudan ay isku dayeen in ay Afgambi kula wareegaan talada dalka.

Goobjoog News