U bood dhigaalka

Suldaan Cabdi Gorod Oo Ka Hadlay Dagaalka Gaalkacyo Iyo Duqeyntii Jeexdin

Sheeko:Dalka

Suldaan Cabdi Gorod Qaamuus oo kamid ah salaadiinta Galmudug ayaa si adag uga hadlay dagaallada weli ka socda magaalada Gaalkacyo ee u dhaxeeya maamullada deriska ah ee Galmudug iyo Puntland iyo sidoo kale duqeyntii ka dhacday degaanka Jeexdin.

Wareysi uu siiyay Goobjoog News ayuu marka hore kaga hadlay duqeyntii Maraykanka uu uu ku sheegay in ay ku timid warbixin been abuur ah oo ay gudbisay Puntland, hase yeeshee wuxuu tilmaamay inay wax wanaagsan tahay raalligelinta ay dowladda Maraykanka bixisay.

“Aad baan ugu faraxsanahay in Maraykanku ay qirteen dhibaatadii ay ka geysteen degaanka Jeexdin oo ku dhacday shacabka iyo ciidanka Galmudug” ayuu yiri Suldaan Cabdi Gorod.

Dhanka kale, wuxuu soo hadal qaaday suldaanka in dagaallada Gaalkacyo ee labada maamul ay yihiin kuwa soo laablaabtay islamarkaana dagaalka masuuliyaddiisa ay wada leeyihiin labada maamul ee Galmudug iyo Puntland.

“Dagaalka Gaalkacyo waxa weeye waa nasiib darro, heshiiskii 2015 ka dhacay Gaalkacyo wuxuu ahaa qiyaano dadka shacabka la qiyaanay oo la sirey maxaa yeelay wax dhaqan galay malahan masuuliyaddaasna waxaa leh labada maamul, colaadda mar kasta waxaa dhalinaya Puntland sababtoo ah waxaa ka soo yeeraya warar hurinaya colaadda Gaalkacyo waa kuwan leh Dadkaasi waa Alshabaab, wax suurtagal ah ma ahan, midda kale dhulka lagu dagaallamayo Gaalkacyo ma ahan dhul laga heshiiyay waana dhul xiga dhanka Galmudug” ayuu yiri Suldaan Cabdi Gorod.

Suldaanka ayaa sheegay in madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Gaas siyaasado ka heysta gudaha maamulkiisa iyo degaannada gobolka Bari uu xal ugu raadinayo ama ku qarinayo dagaallada Gaalkacyo.

Waxa uu ugu baaqay in aan la marin habaabin shacabka Soomaaliyeed ee wada deggan gobolka Mudug islamarkaana laga wada shaqeeyo nabadgalyada iyo wada noolaanshiyaha.

“Reer Mudug waxaan leeyahay isma hurtooy ha ishalleyn, maxaa yeelay adinka ayaa wada deggan ee nabadda halaga shaqeeyo” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Hadalka suldaan Cabdi Gorod Qaamuus ayaa ku soo aadaya iyadoo maanta uu fashil ku yimid heshiiskii xabad joojinta ahaa ee shalay ay Gaalkacyo ku wada gaareen culumada iyo odayaasha ka soo kala jeeda Galmudug iyo Puntland, waxaana la maqlayaa rasaas ka dhacaysa halka la isku horfadhiyo ee galbeedka Gaalkacyo.

Goobjoog News