U bood dhigaalka

Suleymaan “Sharci Looma Marin Xil Ka Qaadisteyda”

Sheeko:Dalka

Ibraahim Iidle Suleymaan, guddoomiyahii maxkamadda sare ee dalka ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo aanu sharciga u marin xil ka qaadistii lagu sameeyey.

Suleymaan ayaa wareysi uu siiyey VOA ku sheegay in xeeerka iyo nidaamka sharciga uu dhigayo in guddoomiyaha maxkamadda sare, garsoorayaasha iyo la taliyaha Koowaad ay shaqada kaga fariisan karaan da’da 65.

“Sida sharcigu yahay, guddoomiyaha maxkamadda sare, la taliyaha Koowaad iyo garsoorayaasha maxkamadda waxay shaqada kaga fariisan karaan da’da 65 sano….sharci darro ayaa loo maray qaabka xilka la iiga qaaday”

Iidley ayaa sheegay in aanay jirin wargelin kaga timid dhanka madaxweynaha kahor xilkan laga qaaday, wuxuuna tilmaamay ineyba ka shaqeynayeen horumarinta garsoorka dalka.

“25-kii bisha, Khamiistii ayaa warqad soo jeedin rasmi ah oo ah sida loo dhisi karo garsoor sax ah u diray madaxweynaha, xafiiska ra’iisul wasaaraha iyo Labada aqal”

Dhanka kale, Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa sheegay in shaqadiisa uu sii wadan doono, walibana xafiiskiisa aadayo.

Wareegto shalay kasoo baxday madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa xilkii looga qaaday guddoomiyahii maxkamadda sare ee dalka Ibraahim Iidle Suleymaan.

Goobjoog News