U bood dhigaalka

Suudaan: Booliiska Oo Awood U Adeesanaya Dibad-baxayaal Ceesh Ka Cabanaya

Sheeko:Dalka

Booliska Suudaan ayaa u adeegsaday gaaska indhaha ka ilmisiiya iyo budadka dib-baxyaal ka cabanaya sare u kac ku yimid cuntada.

Boqolaal qof ayaa is kugu soo baxay meel u dhow aqalka madaxtooyada ee caasimadda Khartuum,dadkaan ayaa waxay ka dibad baxayaan sare u kac ku yimid qiimaha rootiga.

Waxaa koror badan uu ku ymid qiimaha la kala siisto rootiga,  waxaana 50 Kiilo lagadayaa qiimo dhan 9 doolar dowladda ayaa u ogolaatay in ay la soo dagi karaan shirkado gaar ah.

Madaxda ayaa carabka ku adkeeyay inay u isticmaali doonaan awood dibad-baxyada, dibad-baxan ka socda Suudaan ayaa waxaa lagu tiriyaa kii ugu weynaa ee ka dhaca Khartuum.

Dibad-baxyaasha is kugu soo baxay madaxtooyada ay agteeda ayaa waxay ku dhawaaqayeen hal ku dhigyo ah “Dooni meyno gaajo,…. Dooni meyno qaali”.

Booliska la dagaalanka rabshadaha ayaa ku furay gaaska indhaha ka ilmisiiya, sidoo kale waxay ku garaaceen dadka ulaha budka ah si ay ukala buriyaan .

Dibad-baxyo midkaan la mida ayaa dilaacy dhaaadkii 2016, ka dib markii dowladda ay hoos u dhigtay taageeridda dhanka shidaalka.

Waxayna madaxda ay caburiyeen dibad-baxyaashii, si looga hortago inuu dhaco dibad-baxyo la mida kuwii dhacay 2013,kaasi oo ay ku dhinteen tobaneeyo qof, ka dib marii ciidamada Suudaan ay xoog ku burburiyeen dibad-baxyadii balaarnaa,waxayna arrintaasi keentay in suudaan loo jeediyo dhaleeceemo caalami ah.

Dhaqaalaha Suudaan ayaa waxaa soo wajahaya Culesyo tan iyo markii dowladda Suudaanta Koofureed ay goosatay sanadkii 2011,taasi oo ay ku jireen gobada ladeeda qeyraadka ugu badan Naftada ee dalka.

Goobjoog News