U bood dhigaalka

Suudaan iyo Baxreyn oo Xiriirka Diblomaasiyadeed u Jaray Dalka Iran

Sheeko:Dalka, War

Dalalka Suudaan iyo Baxreyn ayaa xiriirka diblomaasiyadeed u jaray dalka Iran, kana dalbaday diblomaasiyiinta dalkaas u dhashay u ay dalalkaas uga baxaan 48 saac gudahood.

Dalalka Suudaan iyo Baxreyn waxaa ay sheegeen in loo dulqaadan Karin sida Iran ay daayacday diblomaashiyiinta Sacuudiga ee Iran markii la gubayey safaaradda Sacuudiga ee Iran.

Arrinta ayaa timid kadib markii Sacuudiga uu xiriirka diblomaasiyadeed u jaray dalka diray una qabtay dilomaasiyiintiisa in dalkiisa uga baxaan 48 gudahood.

Wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga waxaa uu sheegay in Iran lagu xasuusto dhibaatada ay u geysatay Safaaradda Mareykanka ee dalkaas 1979kii iyo Safaaradda Ingiriiska 2011-kii.