U bood dhigaalka

Suudaan Iyo Itoobiya Oo Ka Wada Hadlay Mucaaradka Gobolka

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan AL-bashiir ayaa fariin ka helay ra’iisulwasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn taasi oo ku saabsan arrimaha gobolka.

Fariintan ayaa timid ka dib markii Al-bashiir uu ku soo dhoweeyay wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Workeneh Gebeyehu  magaalada Khartuumo ee caasimadda Suudaan.

Dhanka kale wasiirka arrimaha dibadda Suudaan Ibrahim Ghandour  ayaa la kulmay dhigiisa Itoobiya waxayna ka wadahadleen wadatashi u socon doono Itoobiya iyo Suudaan kaasi oo ku saabsan xariirkooda laba geesoodka ah.

Ibrahim waxaa uu sidoo kale ka hadlay in ay jiraan fallaago ku fir-fircoon bariga dalkaasi isla markaana ay isu diyaarinayaan i ay ka hortagaan cadawyga dhinac walbo oo ay ka yimaadaan.

Wasiirka ayaa sheegay in uu waraaq ka wado ra’iisulwasaaraha Itoobiya ayna ku saabsantahay arrimaha ku saabsan gobolka iyo xiriirka labada dal ee walaalaha ah.

Arrintaani ayaa ku soo beegmeysa xilli dowladda Suudaan ay xirtay dhammaan xaduudaha ay laleedahay Eritrea waxayna qeybta bari ay geysay ciidamo badan oo milatari ah.

Sudaan waxaa ay todobaadkii hore sheegtay in Egypt iyo Eritrea ay tagaeeraan fallaagada ku kascan Khartoum, xiriirka Masar iyo Suudaan waxaa uu marayaa meeshii ugu xumeed.

Goobjoog News