U bood dhigaalka

Suudaan Oo Ku Dhawaaqday In Uu Fashilmay Wadahadalladii Biyo Xireenka “Nahda”

Sheeko:Dalka

Wasiirka arrimaha dibadda Suudaan Ibraahim Ghandour ayaa sheegay in Masar,Itoobiya iyo Suudaan ay ku fashilmeen in wax heshiis ah laga gaaro arrinta ku saabsan xeerka biyo xireenka, kaasi oo ay Itoobiya ay ka dhiseyso hareeraha Webiga.

Hadalka wasiirka ayaa yimid ka dib kulan dheer oo qaatay 13 saacadood,kaasi oo ka dhacay magaalada Khartuum ee caasimadda Suudaan loogana hadlay dhibaatooyinka hortaagan in xal laga gaaro arrinta biyo xireenka.

Kulanka ayaa waxaa uu u dhaxeeyay wasiirrada arrimaha dibadda  Suudaan, Masar iyo Itoobiya sidoo kale waxaa goob joog ahaa agaasimayaasha hay’adaha amniga ee dowladahan.

Ghandour ayaa yiri “Waan Fariisannay waxaana ka doodnay arrimo badan, balse ugu dambeyn waa ay noo suuro geliweysay in aan ka gaarno go’aan loo dhanyahay arrinta biyo xireenka “.

Goobjoog News