U bood dhigaalka

Suudaan: Si Degdeg ah Haloogu Laabto September 17

Sheeko:Amniga

Dalka Suudaan ayaa ku booriyey Soomaalida in si degdeg ah loogu laabto miiska wada hadallada iyada oo lagu saleynayo heshiiskii September 17.

Qoraal ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Suudaan ayaa sidoo kale looga dalbaday dhinacyada Soomaalida iney ka fogaadaan qalalaasaha isla markaana ay dhameeyaan wax walba oo khilaaf jira ah.

Suudaan aya arrinkan qortay kadib markii sida ay sheegtay dagaallo ka dhaceen Muqdisho iyada oo intaa raacisay iney si dhow ula socoto.

Dhanka kale waxaa ay Khartoum sheegtay iney ixtiraameyso midnimada iyo madaxbbanaanida Soomaaliya.