U bood dhigaalka

Suujino “Muqdisho Waxay Dirtay Sawir Qurux Badan”

Sheeko:Cayaaraha

Weriye Saciid Suujino oo ka mid ah rugcadayaasha waxa ka qor arrimaha ciyaaraha Dalka dhawaan ku soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanahay horomarka ay samaynayso Magaalada Muqdisho,isagoo sheegay in Caasimada Muqdisho ay si wanaagsan u narati gelisay marti kala duwan ee ka socotay Maamul Goboleedyada,wuxuuna intaa ku daray in loo baahan yahay in la xoojiyo qabsoomada tartankan oo ah mid xiiso badan.

“Waa wax lagu farxo sawirka quruxda badan ee ka baxaya Magaalada Muqdisho,maalin kasta waxaa daawada ciyaaraha Maamul Goboleedyada kumanaan taageerayaal ah,waxayna arinta muujinaysaa nabadyada iyo horomarka ka jira dalka”ayuu Weriye Saciid Suujino u sheegay Goobjoog Sports.

Dhinaca kale waxa uu Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya kula dardasrmay in laga faa’ideesto dhallinyarada tayada wanaagsan ee lagu arkay tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir,si ay ugu ciyaarayaan Xulka Qaranka.

“Waxaa tartankan lagu arkay dhallinyaro tayo wanaagsan kuwaas oo leh xirfado sare,waxaan ka rajaynaa Madaxda Xiriirka Kubbadda Cagta in ay ka Faa’ideestaan xirfadlayaasha anfici kara Xulka Qaranka Soomaaliya” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Rugcadaaa saaxafadeed Saciid Suujino.

Daawo Saciid Suujino Oo U Waramaya Goobjoog Sports

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle