Suuqyada Shiinaha maanta uma aheyn maalin fiican oo Saamiyada shirkadaha dalkaasi ayaa hoos u dhac ku yimid taas oo cabsi galisay dadka saamiyada Maalgishta.
Wararka dhaqaalaha dunida ee maanta waxaa ugu hadal heyn badnaa Suuq Madoobaadka  iyo suuqyada dhaqso isku badalaya ay u keentay suuqa cabsi badan.
Tusaale ahaan Sicirka suuqa Shanghai ayaa xirmay isagoo hoos u dhacay 8.5 boqolkiiba, Â waa dhibaatadii dhaqaale ugu darneyd Shiinaha tan iyo 2007-dii.
Suuq Madoobaadkan waxaa uu sameeyay dhamaan  suuqyada Asia iyagoo ku xiray sicir aad u hooseeya taas oo saameyn ku yeelatay Yurub iyo Mareykanka.
Dhanka kale suuqa Yurub ayaa  furmay iyagoo saamiyada ay hooseeyaan, waxaa kaloo hoos u dhacay suuqyada Mareykanka iyo shirkado caanka  ah Dow Jones industrial.
Wararka dhaqaalaha kala soco. Goobjoog FM.