U bood dhigaalka

Suuq Weyn oo La dhagaxdhigey Magaalada Baladweyne (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

????????????????????????????Suuq weyn ayaa maanta la dhagax dhigey magaalada Baladweyne, wuxuuna suuqani qeyb ka yahay mashaariic horumarineed oo dowladda Ingiriiska ugu deeqdey Soomaaliya, soona marsiisey dowladda Federaalka.

Isaga oo furayay suuqa ayaa guddoomiyaha degmada Mudane Maxamed Cusmaan Macalin waxa uu sheegey in suuqani uu ka koobanyahay 132 dukaan, kuwaasi 72 ka mid ah yihiin bakhaaro, halka inta soo hartayna ay yihiin dukaamo iyo kawaano.

Wuxuu guddoomiyaha sheegey in horey dowladda Ingiriiska ay u maalgalisey illaa 5 mashruuc oo kale, kana filayaan mashaariic kale sida isbitaalka oo uu sheegey in haatan habeenkii toosh dadka lagu qalayo, uuna rajaynayo in leerar lagu rakiyo.

Mashaariicda uu filayo guddoomiyaha in laga hirgaliyo magaalada ee loo balanqaaday waxaa ka mid ah mashruuca leerarka cadceeda ku shaqeeya, iyo mashruuc lagu dhisayo garoonka ciyaaraha ee Baladweyne.

Dhinaca kale taliyaha ciidamada booliska Baladweyn Cali Dhuux ayaa balanqaaday in ay sugi doonaan amniga suuqani maadaamaa ay jiraan dad aanan ku faraxsanayn suuqa.

Suuqa waxaa laga dhisey xaafadda Buundo Weyn ama Oktoobar, wuxuuna noqonayaa suuqa ugu weyn ee magaalada.

Dhageyso

Goobjoog News