U bood dhigaalka

Suuqa Bakaaraha: Goobaha Ganacsiga Qaarkood Oo Xiran

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya Suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa waxay sheegayaan in maanta oo Axad ah ay xiran yihiin qaar kamid ah xarumaha ganacsiga ee suuqaasi.

Bakhaarada waaweyn ee Suuqa Bakaaraha iyo dukaamada qaarkood ayaa xiran, sidey inoo sheegeen ganacsatada qaarkood.

Mid kamid ah ganacsatadan oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in saacadaha soo aaddan la wada xiri doono guud ahaan suuqaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale.

Goobjoog News