U bood dhigaalka

Suuqa Bakaaraha Oo Laga Mamnuucay In Lagu Iibiyo Qudaarta

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa ammar ku bixiyey in Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho lagu iibiyo Qudaarta, iyadoo loo sameeyay Iibinta Qudaarta suuq kale.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in arrimo amni looga mamnuucay Suuqa Bakaaraha in Qudaar lagu iibiyo.

Suuqa Ceelgarweyne ayuu sheegay guddoomiyaha in Qudaarta lagu iibin doono, wixii maanta ka dambeeyana aan la aqbli doonin in gaari Qudaar ka keenay Gobollada dalka lagu dejiyo Suuqa Bakaaraha.

“Maanta waxaa inoo suuragashay in dib u habeyn ku sameynno Suuqii Ceelgarweyne maadaama uu yahay suuq diyaaarsan oo habeynsan lagana faa’ideysan, waxaan rabnaa in wixii maanta ka dambeeya suuqaan uu noqdo midka qudaarta, waxaa maalmahan soo badaneyey gaadiid qaraxyo lagu soo xiray oo kor qudaar laga soo saarayey, hay’adaha amniga culeys bay kala kulmeen, sidoo kalena shacabka culeys lamid ah ayeey la kulmeen, baabuurta siday u socdaan halkaan  bay imaanayaan, Suuqa Qudaarta wixii maanta ka dambeeya waa halkaan” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Guddoomiye Jimcaale ayaa ammar ku siiyey hay’adaha amniga iyo maamullaada degmooyinka Hodon iyo Howlwadaag in tallaab ay ka qaadaan cidii ay ku arkaan iyadoo Qudaar ku iibineysa Suuqa Bakaaraha maanta wixii ka dambeeya.

“Hay’adaha amniga, ciidanka ilaalinta deegaanka iyo degmooyinka Hodon iyo Howlwadaag waxaan ku amreynaa in Qudaarta Bakaaro laga soo raro, loona soo raro suuqa Ceelgarweyne, kama foga suuqa Bakaaraha, bulshada oo dhanna waa meel ay isugu imaaan karto”

Suuqa loo wareejiyey qudaarta Muqdisho ee Ceelgarweyne waa dhisme deris la ah xarunta degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir, waxaana suuqan uu yahay mid dhowaan lagu sameeyey dib u habeyn.

Goobjoog News