U bood dhigaalka

Suuqyada Muqdisho Qaarkood Oo Laga Hirgeliyey Suuli Dadweyne

Haddii  Aad  tahay Ganacsade aroor hore ka soo baxa Gurigiisa waxaa hubanti ah inay baahi badan  kuu hayso hal abuurkan lagu hirgeliyay suuliyada ee sahlaysa in qof kasta isaga oo Magaalada dhaxmaraya uu ku xaaja guto.

Suuqa D,Xamarwayne  oo ka mid ah suuqyada aadka u saxmadda badan  ayaan horay u lahayn suuli dadwayne waxaana dadka ganacsatada ah ay ku dhib qabeen arrintaasi inkasta oo hadda dhibkii ay qabeen uu waxbadan iska bedelay

Suuligan ku yaalla Degmada Xamarwayne waxa uu qayb ka yahay 20 suuli oo laga hirgeliyay Degmadaasi kuwaas oo dadka socotada ah iyo ganacsataduba ay isticmaalaan , Waxay ka kooban tahay 10 qol taas oo u sii kala baxsan 5- qaybta ragga ah iyo 5 –kale oo ah qaybta dumarka.

Daahir Axmed oo ah hal abuurka shaqadan waxa uu sheegay in fikirkan uu ku dhashay markii ay arkeen dhibaatada iyo cabashooyinka dadka ay qabaan waxa uuna sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan inuu u hirgeliyay Suuligan .

“ Runtii dadka halkan yimaada waxay u badan yihiin suuqlay , waxa ayna isugu jiraan rag iyo dumar mana la tiro cayimi karo inta ay gaarsiisan yihiin waayo suuqlayda oo dhan ayaaba imaata, horay halkan ugama aysan jirin suuli dadku ay isticmaalaan markii halkaan aan furnayna dadku aad ayay ugu riyaaqeen oo ay u mahdiyeen midani waxaana inagu dhiirageliyay markii aan aragnay baahida halkan ka jirta “.

Haddii aad danaynayso in aad mayrato ama gudato xaajaadka aad u baahan tahay ,  kaliya waxaa kaa xigta lacag dhan 3 ilaa – 2000, oo Shilling Somalia ah .

Maxamed Faarax Axmed oo ah nin da’diisu tahay 60,sano oo aan  kula kulmay halkan isaga oo u yimid inuu istajoodo ayaa Ii sheegay in dadku ay dhib badan qabeen ka hor inta aan la hirgelinin suuligan ,waxa uuna sheegay in maalintii uu 2 jeer isticmaalo suuliga.

“ Waxaa wax loo baahnaa  in mar hore la hirgeliyo waayo waxa ay kaalin wayn ka qaadanaysaa baahi tirka dadka waayo suuq dhan amaba tusaale magaalo dhan oo ay naadir tahay in laga helo suuli ama musqul dhib badan ayay leedahay, aniga hadda waxaaan imaadaa halkan maalintii 2, jeer waxayna tirtay baahidayda ugu badan ee dhinaca suuliga maadaama aan ahay nin da’ah “.

Waxyaabaha ay fududeeyeen Suuliyadan  laga hirgeliyay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka mid ah in qof kasta uu  heli karo meel uu ku xaajo guto iyadoo markii hore la xusuusto inay adkayd in qof aadan aqoon u lahayn waydiisato suuli adigoo maanka ku haynaya inaad la kulanto jawaabo isugu jira ogolaansho iyo diidmo labaduba.

Aynuunaay waxa ay ka mid tahay dadka aadka ula dhacsan  in la hirgeliyo Musqulo dadku ay istticmaalaan waatan iyadoo ka hadlaysa Faa’iidada ay ku qabaan iyo dhibaataddii ay qabi jireen.

“Run ahaantii aadbaan ugu dhibanayn markii hore suuqu ma aanu lahayn suuli dadku ay adeegsadaan taasna waxa ay nagu ahayd culays wayn , waxay ahayd  in maalintii sidaan u soo baxno in aan  habeenkii markaan hooyano aan suuli galno taasna dhib badan ayay noo lahayd , hadda maalintii waqti walba oo xaajo ku qabato ayaad isticmaali kartaa adigoo keliya la baxaya 2000 oo shilling Somali ah , waan u riyaaqnay midaan”.

Waxaa mahdniya adeegan dadka da’da ah ee hadana Karin inay kaadidu ceshadaan waxaan la kulmay odayaal da’ah  kuwaas oo iiga waramay aragtidooda la xiririta Suuliyadan cusub ee buddhiga u noqonaya adeegyaddan dadku ay u riqaayeen.

“ Adeer  Musqulahani la’aantood lama joogi karo dhib badan ayaana noogu sugnaan lahaa , anigu maalintii 4 – 5-jeer ayaan galaa bal qiyaas haddii aysan jiri lahayn soo dhibaato ma ahaan lahayn?. Markii hore dhib badan baanu qabnay masaajidda ayaan mararka qaar isticmaali jirnay suuliyadooda iyaguna inta badan waa la xiraa , waa ay adkayd xaaladdu hadda ka hor “.

Degmada Xamarwayne isku celcelis waxaa ku yaalla 20 Suuli kuwaas oo intooda badan  ay  mahdiyeen dadka shacabka ah .

Adeegyadan ay bixiyaan suuliyadan ayaan dadka looga qaadin lacag xad dhaaf ah oo waxaa kaliya laga qaadaa 2000-kun oo Shiling Soomaali ah  marka qofku uu doonayo Istajo iyo Saxaro halka xisaabtu ay ku saa’idayso 1000-kun Shilling Soomaali ah haddii qofku uu qubaysanayo.

Waa qiimo aad u jaban , culaysna aan ku lahayn dadka shacabka ah  una leh faa’iido caafimaad maadaama dadka qaar ay isku celin jireen istajada iyaga oo u baahan sabab la xiriirta Goobaha nuucan oo kale ah oo naadir ku ahaa Degmada Xamarwayne.

W’/Q: Munasar Maxamed Cabdi

Tafatiray:- Bashiir Maxamuud Wehliye

Daabacay: Maxamed Abukar Kulmiye

Goobjoog News