U bood dhigaalka

Suuqii Xoolaha Ee B/weyne Oo Xirmay

Sheeko:Dalka

Waxaa xirmay gabi ahaanba suuqa ugu weyn ee lagu iibiyo xoolaha, magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kadib saameyn kasoo gaartay qaraxii 25-kii bishan ka dhacay magaaladaasi.

Waxaa burburay dhammaan dhismayaashii ku yaallay Suuqa, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare badan oo soo gaarey ganacsatada xoolaha iibisa iyo dad kale oo halkaasi ganacsi ku lahaa.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow iyo guddoomiyaha maamulka magaalada B/weyne Maxamed Macallin Qallaafow ayaa si wadajir ah waxay u kormeen suuqaasi, xilli dadkii halkaasi ku ganacsan jirey ay la baxayeen alaabtooda wixii ka badbaadey qaraxii lagu weeraray ciidanka Jabuuti.

Xildhibaan Jeesow oo halkaasi saxaafadda kula hadlay wuxuu sheegay in goobta ay ku burbureen in ka badan Kun guri, islamarkaana ganacsatada ay khasaartay lacag ku dhow 1 Milyan oo doolar.

Suuqan ayaa kaabiga ku hayey xerada ay deganaayeen ciidanka Jabuuti ee 25-kii bishan qaraxa Ismiidaaminta ah lagu qaadey, waxaana taasi ay keentay in suuqii xoolaha B/weyne uu haalkaasi ku xirmo.

Waxaa suuqan la keeni jirey dhammaan xoolaha gobolka Hiiraan, waxaana laga dhoofin jirey xoolaha loo wado gobollada dalka.

Dadkii ka ganacsanayey xoolaha ayaa hadda si KMG ah waxay u tageen meel bannaan ah  oo aaney jirin cid u asteysay, hase ahaatee maadaama Suuqii weynaa uu burburay waxay maciin bideen in halkaasi ku ganacsadaan.

Ganacsatada xoolaha qaarkood oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in Suuqa ka dumey ay ku noolaayeen dad u badan danyar, qaarkood halkaasi ayeey ku iibin jireen cunno, Shaah iyo Biyo.

Goobjoog News