U bood dhigaalka

Suuriya Oo Xeel Dheerayaal Ciidan U Dirtay Ruushka

Sheeko:Amniga

Dowladda Suuriya ayaa saraakiil xeeldherayaal ku ah bambooyinka sida daran wax u gumaada u dirtay dalk Ruushka si ay qayb uga noqdaan dagaalka Ukraine.

50 xeeldheerayaal askar ah oo ku xeeldheer sameynta iyo qalabaynta waxyaabaha qarxa ayaa loo diray Moscow sida ay shaaciyeen warbaahinta Ruushka.

Xeeldheerayasha ayaa Putin ka saacidi doona sidii ay u farsameyn lahaayeen qarxayo ay ciidamada Ruushka kaga qayb qaataan dagaalka Ukraine.

Ciidamadaan ay Suuriya u dirtay ayaa qayb ka ahaa sameynta bambaanooyinka lagu burburiyay dalka Suuriya intii ay dagaalada ka socdeen  dalkaas.

Goobjoog News