U bood dhigaalka

Suuriya: Waa Sidee Mowqifka Ruushka Ee Duqeynta Mareyaknka

Sheeko:Dalka

Sida ay qortay The Washington Post, dalka Ruushka waxaa uu duqeynta Mareykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska uga jawaabay erayo kulul balse wax rasaas ah ma ridin.

Ruushka waxaa uu sheegay in aanu weerar ku jawaabi doonin mar haddii ay weli gacanta ku hayaan arrimaha dalkaasi.

Dalka Ruushka waxaa uu intaasi ku darayaa in marka keliya ee dagaal geli karaan ay tahay marka la bartilmaameedsado hadaf Ruushka ah.

Dhanka kale, Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin waxaa uu cambeeyay weerarka Mareykanka isaga oo ku tilmaamay inuu xad-gudub ku yahay qarannimada iyo madaxbannaanida Suuriya.

Goobjoog News