U bood dhigaalka

Suxufiyiinta Jubbaland Oo Hoggaan Cusub Doortay

Sheeko:Dalka

Munaasabad ka dhacday magaalada Kismaayo oo ay kasoo qeybgaleen wariyeyaasha ka howlgalo Jubaland oo kala mataleeysay Saddexda gobol ee Jubaland ayaa waxay ay ku doorteen hoggaan cusub oo uu yeesho ururka suxufiyiinta Jubbaland.

Xilka guddoonka ururka ayaa waxaa ku loolamayey Khadar Maxamuud Xareed iyo Maxamed  Qaasim Cali Waxar, waxaana codbixintu ay u dhacday hab gacan taag ah.

Wareeggii Labaad ee codbixinta markii ay gaartay ayuu Maxamed Khaasim Waxar sheegay inuu u tanaasulay musharaxii kale ee la tartamayay, waxaana sidaa hogaanka ururka ugu guuleystay Khadar Maxamuud Xareed.

Sidoo kale waxaa isla gobota gudoomiye kuxigeen loogu doortay Maxamed Khaasim Cali Waxar.

Xoghayaha xiriirka gobollada  ururka suxufiyiinta qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ, C/qaadir C/risaaq Soofe (Jiijiile) oo goobjoog ka ahaa doorashada ayaa sheegay in ka urur ahaan ay soo dhaweeynayaan ayna ku faraxsanyihiin sida ay u dhacday doorashada.

“Hadaan nahay ururka suxufiyiinta qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ, waxaan cadeeyneeynaa in doorashadu u dhacday si cadaalad ah, waxaana u hambalyeeyneynaa Gudoomiyaha cusub iyo kuxigeenkiisa oo aan leenahay howl badan ayaa idiin taal,” ayuu hadalkiisii raaciyay.

Aadan Max’ed Salaad oo hore hogaan uga soo noqday ururka ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay sida ay doorashada u dhacday, uuna soo dhaweeynayo.

Ugu Dambeyn Guddoomiye Khadar Maxamuud Xareed oo xilkaan mar kale loo doortay ayaa sheegay inuu isbedal badan sameyn doono, islamarkaana mideyan doono wariayeyaasha ka howlgala deegaannada Juabbaland eek ala aragtida ah.

Dhammaad