U bood dhigaalka

Swan oo Axmed Madoobe uga Tacsiyeey Dadkii ku Dhintay Dagaalkii Baladxaawo

Sheeko:Amniga

Ergeyga xogheyaha qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan oo maanta gaaray Kismaayo ayaa Madaxweyne Madoobe kala hadlay arrimo ay la mid yihiin gargaarka iyo gacan qabashada qaramada midoobey, dagaalkii Baladxaawo, doorashada iyo Garbaarey, Shirka Dhuusamareeb iyo arrimo kale .

James Swan waxaa uu sheegay in hey’adaha UNka ay soo dhoweynayaan ku dhaqaaqista Puntland iyo Jubbaland ee guddiga doorashada iyo Soo dhoweyntii shalay ee Axmed Madoobe ee inuu ka qeybgalayo Shirka Dhuusamareeb 4 .

Ergayga ayaa yiri ” waa in tanaasul laga sameeyo arrimaha amniga si doorasho uga dhacdo Garbahaarey”.

Ergeyga xogheyaha guud ee qaramada midoobey ayaa sheegay in uu Madaxweyne Axmed Moodobe uga tacsiyey dadkii ku dhintay Baladxaawo isaga oo intaa raaciyey in waqtigan loo baahanyahay isdejin iyo nafta la xakameeyo.