U bood dhigaalka

SWITZERLAND OO WADAAD MUSAAFURISAY.

Sheeko:Dalka

Wadaad Muslim ah oo sannadkii 2017 lagu helay falal uu ku kicinayo rabshado dalka Switzerland ayaa ugu dambeyn la musaafuriyey kaddib markii la caddeeyey in dhalashadiisu tahay Soomaali. Ninkan ayaa hadda dib loogu celiyey Soomaaliya, Sida ay xaqiijisay dowladda Switzerland.

Hannaanka lagu musaafurinayo ninkaan lagu sheegay inuu ahaa wadaad nacaybka faafiya ayaa dood badan dhaliyey sababo la xiriira inuusan lahayn sharci sax ah oo uu dalka ku joogo isagoo diiday inuu la shaqeeyo saraakiisha laanta socdaalka. Markii hore waxaa ninkani loo maleeyey inuu yahay Itoobiyaan laakiin ugu dambeyn waxaa la xaqiijiyey inuu yahay Soomaali.

Laba sano ka hor, maxkamad ayaa amartay eryidda ninkaan kaddib markii lagu helay dambi ah inuu ku qabanayey Isu-imaatin masjidka An’Nur sidoo kalena waxaa laga mamnuucay inuu dib u soo galo dalkaas muddo 10 sano ah.

Masjidka qilaafka dhaliyey ee ku yaalla woqooyi-bari Switzerland ayaa la xiray kaddib markii lagu eedeeyey in lagu xag-jireeyo dhallinyarada. Saxaafadda ayaa ogaatay in lix qof oo ka mid ahaa dadka ku xiran masjidkan ay aadeen Syria si ay ugu biiraan kooxaha Islaamiyiinta ah.